Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: uugaamin
dabayl-joogta (c.cimi.) Ku filiqsanaanta guud ee dabaysha gibilka hoose, tasoo, waxa sababay kaah, qorraxeedku, u dhisan sida meere meeraysanaya oo leh gibil.
dabaylayn eeg dabaylee.
dabaylbadan 1. Wax dabayl leh ahaansho. 2. Qof dawdawle ah ahaansho.
dabaylbadnaan eeg dabaylbadan. ld dabaylbadnaansho, dabaylbadni.
dabaylbadnaansho ld dabaylbadnaan.
dabaylbadni ld dabaylbadnaan.
dabaylee Wax qoyan si uu u qallalo dabayl u dhigid.
dabayleed (juqr.) Wax dabayli keentay amase ku xidhan. Tuulimaad d. waa waxyaabaha ay dabayli qaadday ama ay dhigtay meel dhulka dushiisa ah waxaana ka mid ah dabayl tuul, bacaadka iyo tuulimaadyada lamaddegaannada.
dabaylnuug D. ah: neef lo'ah oo aan sanka ka neefsan karin.
dabaylraac Ari dhanka dabayshu u socoto u goosmid.
dabaylraacid eeg dabaylraac.
dabaylwac Dhanka dabayshu ka timaaddo.
dabayood Geed nagaar faala, leh caleemo yaryar iyo buruq dharka lagu dhaqdo.
dabayshad eeg dabaysho. ld dabayshi.
dabayshi ld dabayshad.
dabaysho 1. Dhanka dabayshu ka imanayso, aadid. 2. Xoolo lumid.
dabbaabad Baabuur qafilan xabbadda candiga ahi aanay karin oo lagu dagaallamo.
dabbaal (1) 1. Nacas; axmaq. 2. ld dabbaalid.
dabbaal (2) ld dabaal.
dabbaal (3) Wax jahaday u socdeen mid ka duwan u weecin; soo celin (xoolo).
dabbaalad ld dabaalasho.
dabbaalasho ld dabaalasho.
dabbaaldeg (1) 1. Damaashaad lagu sameeyo fardo la cayaarsiinayo. 2. Cayaaro iyo waxyaalo kale oo farax lagu muujiyo oo loola jeedo maalin taariikh weyn leh oo la xuso.
dabbaaldeg (2) 1. Maalin muhiim ah ciyaar ku xusid. 2. Fardo ku damaashaadid.
dabbaaldegid eeg dabbaaldeg².
dabbaali ld dabaali.
dabbaalid eeg dabbaal³. ld dabbaal¹ (2).
dabbaalin ld dabaalin.
dabbaaljoog ld dabaaljoog.
dabbaaljoogle ld dabaaljoog.
<< < 290 291 292 293 294 295 296 297 298 299 300 > >>

 

Exit mobile version