Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
jidiinqallalid  eeg jidiinqallal². ld jidiinqallal¹ (2).
jidir  Madow khad u eg oo awrtu qadaadka ku yeelato marka ay qooqdo; dawaad; tawaad.
jidmar  Sahay lacag ama cunto ah oo loo qaato safar.
jidoobid  eeg jidow.
jidow  Wax sharci laga dhigay noqosho.
jidqaadad  ld jidqaadasho.
jidqaadasho  eeg jidqaado. ld jid-qaadad.
jidqaado  Qof gar lagu qaaday oggolaasho.
jidyaqaan  Qof dal mareen ah oo waddooyinka si fiican u kala yaqaan; dalyaqaan.
jifaa  Jirrid jiif u baxda dhulka korkiisa oo xididdo ku yeelata gummudyo yar yar, kuwaas oo geedo cusubi ka soo baxaan xididdadaas.
jifee  ld jufee.
jifeyn  ld jufeyn.
jifi  1. Dufan baruurta laga shiilo oo fariisata markay qabowdo; xayr; xuuki. 2. ld jufo.
jifo  1. Xoolo horumaris ahaan loo siiyo cid wax laga dilay ama laga dhaawacay. 2. Bir dhuuban oo gadaal uga jirta samayada waranka; Jinfo. 3. Birgoobaaban oo bakooradaha salka laga geliyo. 4. Xigto. 4. ld jufo.
jigasho  eeg jigo².
jigo1  Madaxa dadka iyo xayawaanka dhankiisa dambe, meesha ay iska galaan luqunta xaggeeda sare iyo madaxu; jeego. jigo2  Wiil yar xibintiisa taranka girgikeeda harag kadillaacsasho. jigre  Buntuq waayadii hore la isticmaali jirey oo xabbad kaliyaale ah.
jihaad1  ld jahaad¹. jihaad2  ld jahaad². jihaadid  ld jahaadid.
jihad  ld jahasho.
jihasho  ld jahasho.
jihayn  ld jahayn.
jihays  ld jahayn.
jihaysad  ld jahaysasho.
jihaysan  ld jahaysan.
jihaysasho  ld jahaysasho.
jihaysi  ld jahaysasho.
jihaysii  ld jahaysii.
page : 31 of 53
<< < 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 > >>

 

Exit mobile version