Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: sargadayn
hantaatac (1) Hadal aan milgo lahayn. ld hantatac¹.
hantaatac (2) Hadal aan milgo lahayn sheegid.
hantaaticid eeg hantaatac². ld hantaticid.
hantaaturree Wax ordaya ama soconaya turaanturro u dhigid.
hantaaturreyn eeg hantaaturree.
hantaaturro 1. Wax soconaya ama ordaya waxa horay u rida. 2. Dhibaato.
hantaluul Hamuungorayo.
hantaq Meel dhulka ka hoosaysa oo yara godan. ld hataq.
hantatac (1) ld hantaatac¹.
hantatac (2) ld hantaatac².
hantaticid ld hantaaticid.
hanti (1) 1. Wax mood iyo nool ah ee cidi leedahay. 2. Maal badan.
hanti (2) 1. Wax mas'uuliyaddooda ka adkaansho. 2. Wax lahaanshihiisa la wareegid.
hanti-abuur Aruurin hanti ah. ld hanti-abuurid.
hanti-abuurad Aruursashada hanti ah. ld hanti-abuursasho.
hanti-abuurasho ld hanti-abuursad.
hanti-abuurid ld hanti-abuur.
hantidhawr 1. Xaafiis dawlad, hay'ad, qof iwm u qaabbilsan ilaalinta lacagta in sidii loogu talaggalay loo isticmaalay. 2. H. ah: qof xaafiiskaas ka shaqeeya.
hantiggelin Maalggelin.
hantiggoosad ld hantiggoosi.
hantiggoosi Hab dhaqan-dhaqaale oo qalabka waxsoosaarka iyo faa'iidadaba dad gaar ahi leeyahay. ld hantigoosad.
hantigoosad-dawladeed (siyaa.) Hab dhaqaale, ama siyaasad, ee hantida ganacsiga, iyo warshadaha ay leeyihiin dad gaar ah, oo aan ahayn dawlad, kuwaas oo ku tartama fa'idada.
hantihur (1) Hanti isku hallayn loo qaato iyadoo aan la isa siin.
hantihur (2) ku hantihur: Hanti aan la isa siin si isku hallayn ah u qaadasho.
hantihurid eeg hantihur².
hantiile 1. Qof hanti leh. 2. Qof maaliyad badan leh.
hantin ld hantiyid.
hantiwadaag Hab dhaqan-dhaqaale oo qalabka waxsoosaarka iyo waxa la soo saaraba dadweynuhu u simanyahay.
hantiwadaag-dawladeed (siyaa.) Qaran siyaasaddiisa iyo dhaqaalahiisu ku nidaamsanyahay mabda'a hantiwadaagga.
hantiwadaagee Hanti gaar ah hanti guud ka dhigid.
<< < 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 > >>

 

Exit mobile version