Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dhabataysi
kaxarbe  ld gaxarbe.
kaxayn  eeg kaxee.
kaxaysad  ld kaxaysasho.
kaxaysasho  eeg kaxayso. ld ka-xaysad, kaxaysi.
kaxaysi  ld kaxaysasho.
kaxayso  Wax soconaya oo meel joogey wadasho.
kaxee  Wax soconaya oo meel joogey ka wadid.
kay1  Magacuyaal layeele ee tilmaamaya qofka koobaad ee kelida ah. Tus. “Waa isku kay mid”. kay2  (kaayay, kayday; kaayi) ld kaay². . kay3  ld kayga². . kayaga  ld kaayaga².
kayd  Cunno, lacag iwm oo meel loo dhigto in waa dambe la cuno ama wax lagu qabsado.
kayd-ayoonayn  (kiim.) Summad: IP. Taranta loo baahanyahay in lagaga qaado hal elektaroon atam (ama molikiyuul koox) markuu yahay wejiga neefta.
kayd-faraq  (fiis.) Summad: V. Hawsha lagu qabtay dhaqaajinta saldanab laba barood oo mareeg danab ka mid ah dhexdooda. Halbeegga Caalamiga ee keyd faraqu waa foolt (V). V = W/Q.
kayd-haye  Qof wax kayd ah haya.
kaydi  Wax kayd ahaan meel u dhigid.
kaydin  eeg kaydi.
kaydsad  ld kaydsasho.
kaydsan  Wax la kaydiyey ahaansho.
kaydsanaan  eeg kaydsan. ld kaydsa-naansho.
kaydsanaansho  ld kaydsanaan.
kaydsasho  eeg kaydso. ld kaydsad, kaydsi.
kaydsi  ld kaydsasho.
kaydso  Cunno, lacag iwm meel dhigasho si aad mar kale u isticmaashid.
kayga1  (kuweyga, w) Magacuyaal lahaansho oo lab oo tilmaamaya wax anigu (qofka koowaad ee kelida ah ee hadlaha ah) aan leeyahay. Tus. “Midkan kayga ma ah”. . kayga2  Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax anigu (qofka koowaad ee kelida ah ee hadlaha ah) aan leeyahay. Tus. “Dalkaygu waa hodan”. ld kay³. kaykayle  1. Harag, dhar iwm adag oo qallafsan oo aan weli wax laga qaban. 2. K. ah: qof ama xoolo aan culays wadin oo dheeraynaya.
kaylakeen  Qof ama dad meel dareen ka dhacay warkeeda keenid.
kayle  God dheer oo wixii ku dhacaaysan ka bixi karin.
kaylli  1. Xannuun badan oo meel dhaawac ah haya. 2. (-iyo, mdh.) God dheer oo ugaarta lagu dabo. ld keylli.
page : 34 of 73
<< < 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 > >>

 

Exit mobile version