Ereyga Maanta: misow
a(a') Xarafka koowaad ee xuruufta af soomaaliga, ahna shaqal gaaban.
aa1ld baa.
aa21. ld Aad. 2. ld aydin.
aa3Cod lagu muujiyo xanuunka.
aa'1. Cid ama wax garaacid, u cagajuglayn. 2. Dagaallamid.
aa'ideeg aa'.
aabayeel1Aabayeel ah: qaddarinta ama tixgelinta cid la siiyo. 2. ld aabayeelid.
aabayeel2U aabayeel: qaddarin ama tixgelin cid siin.
aabayeelideeg aabayeel². ld aabayeel¹ (2), aabeyeelid.
aabayneeg aabee.
aabbannimo Aabbe ahaansho.
aabbayaal 1. eeg aabbe. 2. Awooweyaashii hore. ld aabbeyaal
aabbe1. Nin ubad dhalay. 2. (u.j) Aabbow!; wiilkaygiyow! ld aabbo, aabe.
aabboeeg aabbe. ld aabo.
aabbur1Weel yar, wax lagu shuban karo, oo dhiilaha, haamaha iwm afka lagaga xiro.
aabbur2Dhiil, haan iwm weel yar oo wax lagu shuban karo afka kaga xirid.
aabburan1Dhiil, haan iwm wax la aabburay noqosho. Tus. “Weelku waa aabburmay”.
aabburan2Dhiil, haan iwm wax la aabburay ahaansho. Tus. “Weelku waa aabburanyahay”.
aabburideeg aabbur
aabburmideeg aabburan
aabburnaaneeg aabburan.
aabburnaanshoeeg aabburnaan
aabeeeg aabbe.
aabee1. Cid qaddarin ama tixgelin siin. 2. Weel asal iyo xaydh marin, si uusan biyaha, caanaha iwm u habin.
aabeyeelideeg aabayeelid
aabiGardarro isla weyni iyo kibir ku jiro oo cid lagula muujiyo.
aabiweyraxSabab la'aan cid dagaal ku qaadid, weyrax kulul.
aaboDareen naxariis, rabitaan iyo xurmayn leh oo qof qof kale u hayo. eeg aabbo, aabbe.
aabonimoMowqifka dawlad, ama mujtamac kale ku muujinayaan in ay go'aan kasta u sameeyaan dadka ay mas'uulka ka yihiin.
aabyooKu aa.: cid xumaan aanay mutaysan kula kicid.
1 2 3 4 5 6 > >>