yamyam1. Y. ah: qof hadal badan. 2. Askar ku hadli jirtay afka sawaaxiliga oo ingiriisku ka keenay bariga Afrika.
yaqfoIlko.
yaqiinWar iwm oo dhabnimadiisa la hubo; xaqiiq.
yaqiinsashoeeg yaqiinso. ld yaqiinsi.
yaqiinsild yaqiinsasho.
yaqiinsoWar iwm dhabnimadiisa hubsasho.
yaqyaqsashoeeg yaqyaqso. ld yaqyaqsi, yaqyaqsood.
yaqyaqsild yaqyaqsasho.
yaqyaqsiiKa y.: cid yaqyaqsi ku dhalin.
yaqyaqsiineeg yaqyaqsii.
yaqyaqsoQof yaqyaqsi dareemid. ld yaqyaqsoo.
yaqyaqsoold yaqyaqso.
yaqyaqsoodld yaqyaqsasho.
yar1Wiil da' yar.
yar2Gabar da'yar.
yar31. Wax da'diisu yartahay ahaansho. 2. Wax tiradoo-da ama cabbirkoodu uusan badnayn ahaan-sho.
yaraan1Carruur hooyo wada dhashay midka ugu dhalasho dambeeya; guradambeys.
yaraan2eeg yar³. ld yaraansho.
yaraanshoeeg yarow. ld yaraan².
yaradHanti la siiyo qoys ama qof laga guursaday gabar ama haweenay.
yarayn1eeg yaree. ld yarays, yaraysiin.
yarayn2(kiim.) Ogsijiin kasaaridda ama haydarojiin kudaridda loo geysto iskudhis. Guud ahaan, waxa la odhan karaa atam, molikuyuul ama ayoon wuu yaraaday ama yarayn baa ku dhacday marka uu helo elektaroono.
yaraysld yarayn¹.
yaraysadld yaraysasho.
yaraysashoeeg yarayso. ld yaraysad, yaraysi.
yaraysild yaraysasho.
yaraysiild yaree.
yaraysiinld yarayn¹.
yarayso1. Qof fal sa-mayntiisa sahlasho. 2. Qof wax ku weyn wax yar ka dhigasho. 3. Qof, cid wax liita ka dhigasho.
yareXoogaa, in yar. Tus. “Wuu yare daalanyahay”. ld yarehe.
<< < 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 > >>