saxad ld saxasho.
saxafi Qof aqoon u leh cilmiga saxaafadda. ld suxufi.
saxal 1. Meeraha u dhexeeya dhulka iyo Mariiqa; raage. 2. Waqti dhibaato badan oo qof mushkilaysanyahay. Tus. “Cali saxal baa haya”. 3. S. ah: qof nasiib daran oo la karahsado.
saxan (1) 1. Weel dhoob ama macdan iwm ka samaysan oo yara godan cuntadana lagu cuno. 2. Shay yar, fidsan, wareegsan oo heeso iwm ku duubanyihiin. ld sixni.
saxan (2) (jool.) Bedka guud ee biyo shubka u ah webi iyo laagihiis.
saxan (3) Wax la saxay ahaansho.
saxansaxo Neecaw qabow, udgoon oo roob soo hooray ka soo hormarta.
saxar Cad qori, caws ama wax kale ka soo jabay, aad u yar oo dabayshu qaadi karto; firo.
saxar-qaad (c.cimi.) Duufaan bus fara badan ka buuxisa gibilka taas oo aragga si la taaban karo u yaraysa, mararka qaarkoodna waxaaba uu gaaraa araaggu ilaa iyo eber.
saxar-saleed (c.fal) Magac guud oo ay wadaagaan dhammaan saxar-rada uu maatarku ka kooban yahay ee aan loo sii kala jabin saxarro ka sii yar.
saxariir (1) Dhibaato aad u badan; silic; rafaad.
saxariir (2) Dhibaato weyn la kulmid.
saxariiri Cid dhibaato weyn gaarsiin..
saxariirid eeg saxariir².
saxariirin eeg saxariiri.
saxariirsan Nafley wax dhibaato hayso ahaansho.
saxariirsanaan eeg saxariirsan. ld saxariirsanaansho.
saxariirsanaansho ld saxariirsa-naan.
saxarka Alfa (kiim.) Bu'da heliyam oo ay bixisay bu'weyn oo uu ku dhaca mataatax kaahfaleed. S. a. ma laha tamar socod badan, waxaana markiiba nuugta hawada.
saxaro Cuntada dadku cuno inteeda oogadu nacdo oo ka soo baxda futada; xaar.
saxaroo Saxaro dhigid.
saxarood eeg saxaroo.
saxartir Wax aad u nadiifin.
saxartirid eeg saxartir.
saxasho eeg saxo. ld saxad, sixad, sixasho.
saxid eeg sax². ld saxniin, sixid.
saxiimad Badan weyn oo si gaar ah loo sameeyey, matoor lehoo maraakiibta wax loogu geeyo loogana soo qaado. ld sixiimad.
saxiix (1) Qoraal la sharciyeynayo oo magac dhan ama la gaabiyey hoosta looga dhigo.
saxiix (2) Qoraal la sharciyeynayo, magac dhan ama la soo gaabiyey hoosta uga qorid.
saxiixan Wax la saxiixay ahaansho.
<< < 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 > >>