Ereyga Maanta: walaahow
saxiixasho eeg saxiixo.
saxiixid eeg saxiix².
saxiixnaan eeg saxiixan. ld saxiix-naansho.
saxiixnaansho ld saxiixnaan.
saxiixo Qoraal la sharciyeynayo, hoosta magac la gaabiyey ama kaamil ah uga qorasho.
saxnaan eeg saxan². ld saxnaansho.
saxnaansho ld saxnaan.
saxniin ld saxid.
saxo (1) Xaaladda uu ku sugan yahay jir aan cudur hayn. ld sixo¹.
saxo (2) 1. (f.g) Wax sax ka dhigasho. 2. (f.mg) Wax la liqay oo hunguriga cad aaday ku qufacid. ld sixo².
say (1) Wax naag ninka qabaa u yahay.
say (2) Wax isku garab safid.
sayaaq Qof ka shaqeeya farsamaynta dahabka, qalinka iwm.
sayanooko-baalamin (daaw.) Madoo-baashada maqaarka iyo xuubabka daboola daloolalada jirka: indhaha, afka, futada, siilka iwm. Waxaana keena oksijiinka oo ku yaraada dhiigga.
sayax (1) 1. Qoyaanka gabaddanadu keento; dharab. 2. ld sayaxid.
sayax (2) (juqr.) Dhammaadka fud baraf, kolka herkulku kor uga kaco barta biyuhu ku fadhiistaan, barafkuna uu biyoobo. Loolalka sare sayaxu waa dhacdo sanadeed muhimad weyn leh, oo dhaca gu'walba, waxana ku xiga milmidda barafka iyo ado-barafeedka iyo wabiyada.
sayax (3) Wax gabaddano ku qoyid.
sayaxe (fiis.) Walax ka nuugi karta biyaha atomosfiyeerka.
sayaxid eeg sayax³. ld sayax¹.
sayaxsan Wax gabaddano ku qoyey ahaansho.
sayaxsanaan eeg sayaxsan. ld sayax-sanaansho.
sayaxsanaansho ld sayaxsanaan.
sayid (1) Waayeel; madax; shariif.
sayid (2) 1. eeg say². 2. Isbarbardhigid; sarcid (dun, liilammo iwm).
saylaamid eeg saylaan².
saylaan (1) 1. S. ah: saymaha roobka. 2. Socod aan kala joogsi lahayn.
saylaan (2) Socod aan joogsi lahayn socosho.
saylaandhabasho ld saylaandhaw.
saylaandhaw Qaylo iyo buuq dagaal wehliyo oo ay cidi samayso. ld saylaan-dhabasho.
saylad 1. Meel laysugu yimaado oo alaabta iyo waxyaalaha ganac-siga ah lagu kala beddesho. 2. Suuq xoola-ha lagu kala iibsado. ld seylad, siilad.
<< < 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 > >>