Ereyga Maanta: calman
tobbogsan Qof dheer oo jirkiisu isku tigtiganyahay ahaansho.
tobbogsanaan eeg tobbogsan. ld tobbogsanaansho.
tobbogsanaansho ld tobbogsanaan.
tobnaad ld tobanaad.
tobograafiyad ld tobograafiyo¹.
tobograafiyo (1) 1. Qoraal faaahfaafsan iyo muuqaallo muujinaya dhismaha iyo samayska dhul gaar ah. 2. Cilmiga lagu barto qaab dhismeedka dhulka. ld tobograafiyad.
tobograafiyo (2) (juqr.) Qeexid faah-faahsan ama bandhig muuqaallobe-deed, dabiici iyo sanaaci, labadaba ee meeleed, sidaasoo kale ayaa laga rabaa khariidad, toobograafiyeed.
toddob Roobka ugu horreya uu gu'ga da'a.
toddoba Tirada lixda iyo siddeedda u dhexeysa; “7”. ld toddobo.
toddobaad 1. (t.j) Tirada jagaale, keeda u dhigma toddobada. 2. Toddoba beri oo isku xigta.
toddobaadle Joornaal, wargeys iwm oo toddobadii beri mar soo baxa.
toddobaale Warqad turub oo ay ku sawiranyihiin toddoba calaamadood.
toddobaatamaad ld toddobaata-naad.
toddobaatameeye Tiro toddobaatan ku dhow. ld toddobaatameeyo.
toddobaatameeyo ld toddobaa-tameeye.
toddobaatan Tiro ka kooban toddoba meelood oo min toban ah; “70”.
toddobaatanaad 1. Tirada jagaalaha ah, kan u dhigma toddobaatan. 2. Sannada-ha u dhexeeya toddobaatanka iyo siddee-tanka. ld toddobaatamaad.
toddobabax (1) Xaflad laba qof oo is aroosay toddoba beri kaddib loo sameeyo.
toddobabax (2) Laba qof oo is aroosay toddobaadkii arooska ka bixid.
toddobabixi Laba qof oo is aroosay toddobaadkii arooska u shaqayn.
toddobabixid eeg toddobabax².
toddobabixin eeg toddobabixi. ld toddobabixis.
toddobabixis ld toddobabixin.
toddobamaggaarto (daaw.) Cudur dadka iyo xoolaha ku dhaca, murqaha iyo seedaha kojiya oo si dhaqso ah u dila; kojiye; teetano.
toddobo ld toddoba.
tog (1) Meel godan oo biyo mareen ah.
tog (2) (juqr.) Biyo mareen lama degaan kaa soo badanaa engegan, oo biyo leh kaliya xilli roob badan kaddib. Togaggu waxay guud ahaan ku baaba'aan lamadegaanka dhexdiisa, waxa laga yaabaa inay ka siilaabmaan lamaddegaanka laftiisa, ama dhalaalidda barafyada ee buuro fog.
tog (3) 1. (f.g) Wax kala taagid. 2. (f.mg) Tog ku dhex socosho.
tog yare (juqr) Meel hoos u dhax dhuuban oo dheer oo laga helo dhulka dushiisa, oo ka yar dooxo kana ballaaran qaranqaar.
togan (1) Wax la togay noqosho.
<< < 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 > >>