Ereyga Maanta: xug
beenaale Nin been badan, beenlow.
beenaaley Dheddig been badan (qof); beenley.
beenawaas ld beenhawaas.
beenayn eeg beenee. ld beenin.
beendabaad Beenlow; beenley. ld beendadaab.
beendadaab ld beendabaad.
beendhure Qof been badan fidiya.
beenee Hadal la sheegay, inuu beenyahay caddayn. ld beeni.
beenguur (1) Guuridda loo guuro god aan kii tooska ahaa ahayn si qofka kale loo khiyaameeyo (ciyaarta shaxda, jarta iwm).
beenguur (2) God aan kii tooska ahaa ahayn u guurid si qofka kale loo khayaameeyo (ciyaarta shaxda, jarta iwm).
beenguurid eeg beenguur². ld beenguuris.
beenguuris ld beenguurid.
beenhawaas (beenhawaas/-yo, m.dh) Nin beenlow ah oo aad u sheeko macaan. ld beenawaas.
beenhawaasad Haweeney beenley ah oo aad u sheeko macaan.
beeni ld beenee.
beenii-aadmi ld baanii-aadan.
beenin eeg beeni. ld beenayn.
beenley Haweeney been badan.
beenlow Nin been badan.
beenoobid eeg beenow.
beenow Been noqosho (war).
beensheeg 1. B. ah: beenlow. 2. ld beenshegid.
beensheegid Ku hadlidda qof hadal been ah ku hadlo. ld beensheeg (2).
beeqbaaq (1) Hanka qof qabo marka uu cid hanti ka sugayo.
beeqbaaq (2) Hanti cid ka sugid.
beeqbaaqid eeg beeqbaaq².
beer (1) 1. Xubin uurkujirta ah lafdhabarleyda ka mid ah midabkeedu madow guduud ku dheehanyahay ah oo samaysa xammeetida, dhiiggana wixii sumeynaya ka ilaalisa. 2. Qaybta dhexe ee miraha, jilicsan, qolof ku dahaaran oo uu geedku ka dhasho.
beer (2) Dhul la falay oo dhir, miro, badar iwm lagu abuuri karo.
beer (3) 1. Dhul miro ku abuurid. 2. Ku b.: dareen gaar ah ku abuurid (qof).
beer holac (daaw.) Halaamacoodka beerka oo uu keeno fiirus, sun ama difaac jireed oo aan cadi ahayn.
<< < 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 > >>