Ereyga Maanta: silqo
maryaadis ld maryaadin.
maryamayn eeg maryamee.
maryamee Kuul ka faalin, wax dhici doona wax ka sheegid.
mas 1. Xammaarato aan lugo lahayn, dheereysa, nafleyda qaniinta, sun halis ahna leh. 2. Koombo yar oo miraha dalagga lagu cabbiri, u dhiganta nus madaal.
mas'alo ld masalo.
mas'uul 1. Qof xil qaadi kara. 2. Qof jago sare ummad u haya. 3. Xilkas. 4. Ka m. ah: qof wax xilkoodu saaran yahay. 5. Ka m. ah: qof dhacdo sabab u ahi. ld masuul.
mas'uuliyad Xil qof saaran. ld mas'uuliyo, masuuliyad, masuuliyo.
mas'uuliyo ld mas'uuliyad.
masaabax (1) ld masaamixid.
masaabax (2) ld masaamax².
masaabaxan ld masaamaxan.
masaabaxnaan ld masaamaxnaan.
masaabaxnaansho ld masaamaxnaan.
masaabaxnow ld masaamaxnow.
masaabixid ld masaamixid.
masaadir eeg masdar.
masaafee Naag la doonayo in la mehriyo weligeeda (waalid; walaal iwm) ka fogeyn.
masaafeyn eeg masaafee.
masaafeysasho eeg masaafeyso.
masaafeyso Naag la doonayo in la mehriyo weligeeda (waalid, walaal iwm) ka fogeysasho.
masaafir (1) Qof safar ah. ld masaafur¹, musaafur¹.
masaafir (2) Qof meel joogay ka dhoofid. ld masaafur², musaafur².
masaafiri Dalkiisa ama degaankiisa khasab kaga dhoofin (qof). ld masaafuri, musaafiri.
masaafirid eeg masaafir². ld masaafurid, musaafurid.
masaafirin eeg masaafiri. ld masaafiris, masaafurin, masaafuris, musaafurin.
masaafiris ld masaafirin.
masaafirsan Qof dalkiisa laga masaafiriyey ahaansho. ld masaafursan, musaafursan.
masaafirsanaan eeg masaafirsan. ld masaafirsanaansho, masaafursanaan, masaafursanaans.
masaafirsanaansho eeg masaafirsanow. ld masaafirsanaan.
masaafirsanow Qof dalkiisa laga masaafiriyey noqosho. ld masaafursanow, musaafursanow.
<< < 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 > >>