caytan (1) Isdhaafsashada cay laba qof ama ka badan isdhaafsadaan. ld caytamid.
caytan (2) Laba qof ama ka bdan cay isdhaafsasho.
cayuumaysad ld cayuumaysasho.
cayuumaysasho eeg cayuumayso. ld cayuumaysad, cayuumaysi.
cayuumaysi ld cayuumaysasho.
cayuumayso Cid eegmo wax ku yeelid; cawrin; ilayn.
cayuumid eeg cayuun².
cayuun (1) 1. Geel gaagaaban oo laga helo deexda. 2. Eegmo dhibaato leh oo dadka qaarkii leeyahay. ld acyuun.
cayuun (2) Cid il wax ku yeelid.
ceeb Sharaf darro ka timaada fal ama hadal anshaxdarro ah oo qof ku kaco. ld ceebaal.
ceebaal ld ceeb.
ceebayn eeg ceebee.
ceebee Wax ceeb u yeelid.
ceebla'aan Daacadnimo, aaminnimo.
ceeboobid eeg ceebow.
ceebow Wax ceebi ku dhacday noqosho.
ceed ld cayd.
ceedan ld caydan.
ceedbax ld caydbax.
ceedbixid ld caydbixid.
ceednaan ld caydnaan.
ceednaansho ld caydnaan.
ceegaag (1) ld ceegaagid.
ceegaag (2) C./ka c.: balli, weel, xero iwm buuxid (biyo, caano, xoolo iwm).
ceegaagid eeg ceegaag². ld ceegaag¹.
ceego Si xoog leh oo nafley cunaha looga qabto si neeftu ugu joogsato; miijis. ld ceejo, ciiq, ciiqo¹ (2).
ceegsan Wax la ceejiyey ahaansho.
ceegsanaan eeg ceegsan. ld ceegsanaansho.
ceegsanaansho ld ceegsanaan.
ceeji Nafley neefta ku celin. ld ciiji, ciiqee (2).
<< < 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 > >>