gurood Wadda yar; wadiiqo; diqdiq.
gurrac Qallooc; dabcixumo.
gurrac (2) Wax qalloocin.
gurracan (1) Wax la gurracay noqosho.
gurracan (2) Wax la gurracay ahaansho.
gurracmid eeg gurracan¹.
gurracnaan eeg gurracan². ld gurracnaansho.
gurracnaansho ld gurracnaan.
gurran Qof adeegsiga gacanta bidix ku badsada ahaansho.
gurranaan eeg gurran. ld gurra- naansho.
gurranaansho ld gurranaan.
gurraysan Ilmo yar wax niyadda laga dilay ahaansho.
gurraysnaan eeg gurraysan. ld gurraysnaansho.
gurraysnaansho ld gurraysnaan.
gurree Ilmo yar niyadda laga dilay ahaansho.
gurreyn eeg gurree.
gurricid eeg gurrac².
gurro Dhibaatada niyadda ka gaarta ilmo ay korisay naag aabbihii qabo.
gursasho eeg gurso.
gurso Dheri dab saaran, dhul iwm dareere dhuuqid.
gurub G. ah: digir yar oo ku harta beer la gurtay.
gurubsad ld gurubsasho.
gurubsasho eeg gurubso. ld gurub- sad, gurubsi.
gurubsi ld gurubsasho.
gurubso Wax meel daadsan mid mid u qaadasho.
guruddambays Wiil ama gabar hooyo ku dhalmaddeysay oo wax ay dhasho ugu dambaysa. ld garuddambays.
guruf Qolofta qaraha marka buruqda laga cuno.
gurumo G. ah: ri'geeso gaagaaban.
guruurctamid eeg guruuructan.
guruuructan Gunuunuc is waydaarasho.
<< < 668 669 670 671 672 673 674 675 676 677 678 > >>