Ereyga Maanta: gedmo
harid eeg har². ld haris².
harimayn eeg harimee.
harimaysasho eeg harimayso.
harimayso Qado cunid.
harimee Qado bixin.
harimo 1. Cuntada harkii la cuno; qado. 2. Wax jirro awgeed loo takooro.
harin eeg hari. ld harayn, haris¹.
haris (1) ld harin.
haris (2) ld harid.
harjacsan Wax si u kala laalaada ahaansho.
harjacsanaan eeg harjacsan. ld harjacsanaansho.
harjacsanaansho ld harjacsanaan.
harjad (1) 1. H. ah: qof sakaraad ah oo naftu dhibayso. 2. H. ah: qof mintid ah. 3. ld harjadid.
harjad (2) 1. Qof sakaraad hayo rafasho. 2. Qof mintidnimo dheeraad ah muujin.
harjadid eeg harjad². ld harjad¹ (3).
harmataan (juqr.) Dabayl xoog leh oo ka soo dhacda woqoogi-bari oo saamaysa galbeedka Afrika. Waxay si toos ah uga soo dhacdaa lamaddegaanka Saxara, waa kulayl, qallalayl, booryley - iyadoo sidaas u kulul una qallalan ayay haddana kala dillaacisaa jiridaha geedaha.
harmi 1. Wax nijaasayn. 2. Beer caws ka falid.
harmin eeg harmi.
haro 1. Biyo badan oo fadhiya oo aala macaan oo dhinac walba dhul kaga wareegsanyahay; balli weyn. 2. Hungowga ku dhaca herinta marka ugaar la soo waayo.
haro folkaaneed (jool.) Biyo-fadhiisin ku samaysmay karaytar folkaano oo cidhib go'ay.
haro-xeebeed (juqr.) Biyo gun gaaban oo qayb ahaan ama dhammaan uu liid dhuleed dhuuban badda ka gooyo.
harowsad ld harowsasho.
harowsasho eeg harowso. ld harowsad, harowsi.
harowsi ld harowsasho.
harowso Hadal been iyo khiyaamo ku jirto qof ka dhaadhicin.
harqaamaan eeg harqaaman. ld harqaamaansho.
harqaamaansho ld harqaamaan.
harqaaman Wax tolan ahaansho.
harqaamasho eeg harqaamo.
harqaamid eeg harqaan².
<< < 711 712 713 714 715 716 717 718 719 720 721 > >>