Ereyga Maanta: jeegayn
shoon Geedo badan oo isku meel ku urursan.
shootoli ld sootoli.
shoox Kalluun yaryar oo cutub-cutub isu raaca.
shooxaad Nooc nibiriga ka mid ah.
shooxo Balli yar oo meel xaani ah ku yaal.
shoqfol ld shaqfal.
show ld sow.
showmadoonto Nooc ka mid ah mariidka oo si deg-deg ah neefka u dila, baadigoobkiisana aan loo dheeraan.
showr (1) ld shawr¹.
showr (2) ld shawr².
showrid eeg shawrid.
shub (1) 1. Dhis ka samaysan bir, ciid, quruurux iyo shamiinto isku dhafan oo isku qallalay. 2. Cayaar ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka soomaaliyeed, leh jiib iyo jaan oo ragga iyo dumarku wada dheelan. 3. ld shubid.
shub (2) 1. Hoore meel ku geddin. 2. Xoolo waraabin. 3. Lacag bangi dhigid. 4. Quruurux, ciid, shamiinto iwm dhismo ka samayn. 5. Bir iwm dhalaalin.
shubaako ld shabaako.
shubaal 1. Laxooxda balballaaran nooc ka mid ah oo macaan. 2. Shubidda ceel la shubo. 3. ld shubid.
shuban (1) Saxaro badan, jilicsan oo nafleyda qaarkeed gadaal ka dhigto.
shuban (2) (daaw.) Saxaro jilicsan ama biyo ah oo la dhigo si is daba joog ah. Waxa sabab u noqon kara xiidmaha oo bukooda (infekshan, kolaytis, iyo cudurka “crohn”), dheefdhuuqa oo xumaata, xaaladaha acsaabtu kacsantahay iwm. Shubanku haddii uu dheeraado ama si daran u socdo wuxu keeni karaa: biyo aad u badan,cusbooyin iyo nafaqo kale oo jirka ka baxa.
shuban (3) 1. Nafley wax shuban ku dhacay noqosho. 2. Hoore wax la shubay noqosho.
shuban (4) 1. Hoore wax la shubay ahaansho. 2. Xoolo wax la waraabshay ahaansho.
shubasho eeg shubo.
shubid eeg shub². ld shub¹, shubaal, shubniin.
shubme Hoore.
shubmid eeg shuban³.
shubnaan eeg shuban4. ld shub-naansho.
shubnaansho ld shubnaan.
shubniin ld shubid.
shubo 1. Hoore, badar iwm meel ku geddisasho. 2. Xoolo wa-raabsasho.
shucaac (1) 1. Iftiinka qorraxda. 2. Tamarta ka dhalata mataataxa ku dhaca walxaha qaarkood, sida yuraaniyanka iwm.
shucaac (2) Shucaac muujin.
shucaacid eeg shucaac².
<< < 71 72 73 74 75 76 77 78 79 80 81 > >>