Ereyga Maanta: tefiir
shuuf Wax ama qof ilaalin ama fiirin.
shuufid eeg shuuf.
shuun (1) Timo ka soo baxa gumaarka dadka; bisqin; bisqan.
shuun (2) Boqorradda shinnida.
shuunley Gumaarka dadka.
shuuq 1. Awr, abeeso iwm cod aan qeexnayn bushimaha oo is haysta ka soo saarid. 2. Wax weynaa yaraansho.
shuuqid eeg shuuq.
shuuqsasho eeg shuuqso. ld shuuqsi.
shuuqshuuq Kadafka qaarkiis oo raxa-raxan u socda. ld shuushuunle, shuuq-shuuqle.
shuuqshuuqle ld shuuqshuuq.
shuuqsi ld shuuqsasho.
shuuqso Quwaax la calalinayo dhacaan ka nuugid.
shuur (1) Dhul dhir badan leh oo jiq ah; cayn.
shuur (2) Badar dhagax biyo uga saarid.
shuuran Badar wax biyo laga shuuray ahaansho.
shuuri Kibir iyo isla weyni la aamusid.
shuurid eeg shuur².
shuurin eeg shuuri. ld shuuris.
shuuris ld shuurin.
shuurnaan eeg shuuran. ld shuur-naansho.
shuurnaansho ld shuurnaan.
shuuro Soor galley ama meseggo oo si gaar ah loo kariyey.
shuush 1. Cudur. 2. Xumaan uurka la isugu hayo; uurkutaallo.
shuushaami 1. Xoolo si gaar ah oo lexejeclo iyo turidi ku jirto u wadid. 2. Wax si gaar u xannaanayn. ld shuushi.
shuushaamin eeg shuushaami. ld shuushaamis, shuushin.
shuushaamis ld shuushaamin.
shuushi ld shuushaami.
shuushin ld shuushaamin.
shuushuu Hadal cid gaar ah wax looga sheegayo oo hoos ahaan laysugu gudbiyo.
shuushuule Sh. ah: qof xan badan oo dadka hoos ka dicaayadeeya.
<< < 76 77 78 79 80 81 82 83 84 85 86 > >>