Ereyga Maanta: dacarbax
sibiibixi Wax meel siman ama qoyan ku taraarixin.
sibiibixin eeg sibiibixi.
sibiibixo (1) 1. Meel siman ama qoyan oo lagu siibto. 2. ld sibiibixasho.
sibiibixo (2) Meel siman ama qoyan ku simbiriirixasho.
sibir (1) 1. Xabag qaraar oo daawo ahaan loo isticmaalo. 2. Shamiinto. 3. Dhul-dhaca aqalka oo la kebisey.
sibir (2) 1. Lugta dambe ee geela boqonteeda. 2. Maraqsaarta geela.
sibirayn eeg sibiree.
sibiree Aqal iwm dhul-dhaciisa shamiinto ku kebisid.
sibqasho eeg sibqo.
sibqi Wax iyadoon la calalin liqid.
sibqin eeg sibqi.
sibqo Ku s.: wax afka ku jira iyagoo aan la rabin in la liqo hunguriga ku roorid.
sibraar Harag neef yar oo ari ah, oo si gaar ah loo baxshay loona habeeyey oo biyaha ama caanaha lagu shubto.
sicir Qiime. ld siir.
sid (1) 1. Marka ilmuhu uurka galaan iyo marka ay dhashaan inta u dhexeysa. 2. Culaabta gaadiid hal mar qaadi karo.
sid (2) (c.nafl.) Muddada ay qof dumar ahi ilmo uurka ku qaaddo, sidku wuxuu socdaa qiyaasta 266 maalmood, laga bilaabo calool galka ilaa ilmuhu dhashaan, ilmaha uurka ku jirana wuxu ku koraa uurka. Inta sidku socdo caadadu way maqantahay, waxaa dhici kara in ay aad u badato cuno cunnidu ama la jeclaado cunitaanka, naasuhu way weynaadaan, qofka dumarka ah waywallaci kartaa.
sid (3) 1. (f.g) Cid ama wax qaadid ama kor u hayn. 2. (f.mg) Neef dheddig wax riman ahaansho.
sid-dhowee Dheddig xoolaad oo rimman waqtigii ay dhali lahayd u dhowaasho. ld shindhowee.
sid-dhoweyn eeg sid-dhowee. ld shindhoweyn.
sida ld si.
sidaan ld si.
sidaas ld si.
sidasho eeg sido.
sidataal Bilaha soomaaliga oo dayaxa lagu tirsado, tan u dhexeysa soonfur iyo arrafo.
sidbasho eeg sidbo.
sidbi Wax simbiriirixin.
sidbin eeg sidbi.
sidbo Meel siman oo qoyan ku simbiriirixasho.
siddaysad ld siddaysasho.
siddaysan Wax siddo loo yeelay ahaansho.
<< < 78 79 80 81 82 83 84 85 86 87 88 > >>