Ereyga Maanta: maansabooli
minnasheegasho ld mannasheegasho.
minnasheego ld mannasheego.
minnee ld mannee.
minneyn ld manneyn.
minneysasho ld manneysasho.
minneyso ld manneyso.
minno ld manno.
mino Dareere layiig ah oo ka yimaada xubnaha taranta ee laboodka; shahwo. ld mani.
minqaad (1) Fogaan awr rarani socan karo, isaga oo aan la furin ama la joojin muddo maalin dhexdeeda ah.
minqaad (2) Fogaan minqaad ah guurid.
minqaadi Fogaan minqaad ah reer rarid.
minqaadid eeg minqaad².
minqaadin eeg minqaadi.
minqax (1) ld manqixid.
minqax (2) ld manqax².
minqaxwe Wiil makhaayad ka shaqeeya oo shaaha dadka u geegeeya.
minqixid ld manqixid.
mintid (1) 1. ld mitid 1. M. ah: qof wuxuu qabanayo si naftihurennimo ah u qabto. 2. ld mintidid.
mintid (2) 1. Hawl si naf-hurnimo ah u qabasho. 2. Ku m.: wax in aysan gacantiisa ka bixin ku dadaalid (qof). ld mitid².
mintidid eeg mintid². ld mintid¹, mitid¹, mitidid.
mintidnimo Mintid ahaansho. ld mitidnimo.
minweyn Naago nin wada qabo tan ugu guur horraysay.
minxiis Labo qof oo isguursaday nin u wehel yeela muddada ay arooska ku jiran.
minyaro Naago nin wada qabo tan ugu guur dambeysay.
miqdaaf ld muqdaaf.
miqdaafi ld muqdaafi.
miqdaafin ld muqdaafin.
mir (1) Wax tiradoodu hal tahay.
mir (2) 1. Falalka habeenkii dhaca ama la sameeyo. 2. Habeen. 3. Roob habeen da'a. 4. Daajinta geel habeen la daajiyo.
mir (3) 1. (f.g) Habeen nafley cunto siin. 2. (f.mg) Col, roob iwm habeen imaansho. 3. Xoolo, badar iwm oo isku dhex jira sida ay leeyihiin u kala saarid.
<< < 92 93 94 95 96 97 98 99 100 101 102 > >>