Ereyga Maanta: fullaacsan
maagma (jool.) Walax dhalaashan oo laga helo hoosta dhadhaabada adag ee qolofta dhulka, mararka qaarkoodna waaxa la arkaa marka ay folkanaha ka soo baxayso.
maago Ka m.: wax cabsi darteed uga dheeraansho. maahane qr. ld mooyaane.
maahi Wax maahsan ka dhigid; is m.: qof caqligiisu maqanyahay iska dhigid; is khaafin.
maahin eeg maahi.
maahmaah (1) Erayo kooban, qaafiyad leh, oo sheegaya murti waayo-aragnimo xambaarsan. ld maahmaahyo.
maahmaah (2) Maamaah sheegid ama allifid.
maahmaahid eeg maahmaah².
maahmaahyo ld maahmaah¹.
maahsan Qof aan fiiro iyo feejegnaan u lahayn goobta uu joogo wax ka dhacaya oo qalbigiisu ku hawlanyahay meel kale ahaansho.
maahsanaan eeg maahsan. ld maahsanaansho, maahsani.
maahsanaansho ld maahsanaan.
maahsani ld maahsanaan.
maajeen (1) Midab guduud boor xigeen ah oo ay lo'du yeelato.
maajeen (2) Naq badan.
maajo Bisha shanaad ee taariikhda miilaadiga ah.
maakaal ld maankaal.
maakhad 1. Awood, karti. 2. Hadal been ah.
maakhadee U maakhadee cid been ku madadaalin.
maakhadeyn eeg maakhadee.
maakhiido Haweeney gaari ah.
maal (1) 1. Hanti. 2. ld maashi. (-lal, m.l) Neef irmaan oo cid la ammaanaysiiyo si uu u intifaacsado. 3. ld maalid.
maal (2) Malax.
maal (3) Neef irmaan caano ka lisid.
maala-abbaar Mala'awal.
maalan Wax la lisay ahaansho (neef irmaan).
maaleeyo 1. Dheecaan aad u madow, qaraar oo geedaha qaarkood dhalaan. 2. Hoore kasta oo midab aad u madow leh.
maalgeli Mashruuc hantigelin si loo hormariyo.
maalgelin eeg maalgeli. ld maalgelis.
maalgelis ld maalgelin.
maali Cid neef irmaan ammaanaysiin.
<< < 980 981 982 983 984 985 986 987 988 989 990 > >>