Ereyga Maanta: dabaylwac
faquuqnaan eeg faquuqan. ld faquuqnaansho.
faquuqnaansho ld faquuqnaan.
far (1) 1. Xubnaha dhuudhuban oo ciddiyuhu ku yaallaan oo gacmaha iyo cagaha dadku ku dhammaadaan middood. 2. Hab loo qoro af. 3. Jeex biyo mareen ah. 4. Fandhaal 5. Xuruuf loo adeegsado qorista afka. 6. Hab farshaxan oo wax loo sameeyo.
far (2) 1. Meel, jir iwm qalab caarad dhuuban ku qodid. 2. Cid farriin u dhiibid. 3. Cid amar siin.
faraaci (1) Habeenka dayaxu xiddigta faraacida la fadhiyo.
faraaci (2) Xiddigaha raqaha midkood.
faraajiin eeg fujaan.
Faraanti Fargashi. ld Fargal.
faraar ld farraar.
faraasilad Shay wax lagu miisaamo oo culayskiisu u dhigmo 16 kiilo ama 28 rodol. ld faraasilo.
faraasilo ld faraasilad.
faraati 1. Shay farta la gashado xarrago darteed. 2. Ilmasidaha afkiisa (minka).
faraatikeen Keenidda ilmasidka geelu foodda soo muujiyo.
farabbadan (1) ld farammaggooggo.
farabbadan (2) Wax badan ahaansho.
farabbadi ld farabbadnaan.
farabbadnaan eeg farabbadan. ld farabbadi, farabbadnaansho, farabbadni.
farabbadnaansho ld farabbadnaan.
farabbadni Badnaanta wax tiradoodu badantahay. ld farabbadnaan.
farabbar (1) 1. Carbin, agabar. 2. ld farabbarid.
farabbar (2) Neef ugub oo curtay maalis oggolaysiin.
farabbarad 1. Qof wax dhigasho bilaabay. 2. Qof farshaxannimo bilaabay.
farabbaran Wax la farabaray ahaansho.
farabbarasho eeg farabaro. ld farabarad.
farabbarid eeg farabbar². ld farabbar¹ (2).
farabbaro Neef curtay agabarasho.
farabbax (1) F. ah: qof asluub xun, madax adag oo laga quustay. ld farakabbax, farakalabbax (1).
farabbax (2) Qof wax laga quustay oo aan la saxi karin noqosho.
farabbaxsad ld farabbaxsasho.
farabbaxsasho eeg farabbaxso. ld farabbaxsad, farabbaxsi.
<< < 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 > >>