daalli Oori; haweeney.
daallin Qof dulmi badan.
daallinnimo Daallin ahaansho.
daaltir Wax daal hayo nasin (nafley).
daaltirad ld daaltirasho.
daaltirasho eeg daaltiro. ld daaltirad.
daaltirid eeg daaltir.
daaltiro Cid daal hayay si uu uga ba'o; nasasho.
daamad Cayaar shaxda u eg oo lagu dulcayaaro loox afar gees ah oo leh cadad midabaysan.
daamir Walax layiig dhegdheg ah, madow, oo jidadka lagu sameeyo; laami. ld daammur.
daammur ld daamir.
daan (1) Afka labadiisa lafood oo ilkuhu ku yaalliin.
daan (2) (c.nafl.) Nudo adag oo tiiriyayaal ah, ha ahaadaan laf ama carjaw kuwaas oo sameeya fuqa hoose ee xayawaanka qaarkood, gaar ahaan lafdhabarleyda. Shaqada ugu weyn ee daamanku waxa weeye inay ilkaha ka caawiyaan qaniinyada iyo calaalinta cuntada.
daan (3) Webi, tog iwm labada dhinac midkood.
daandaami Feer, laad iwm cid ku wareerin.
daandaamid eeg daandaan². ld daandaan¹ (2).
daandaamin eeg daandaami.
daandaan (1) 1. D. ah: nafley tabar daran oo dhaadhacaysa. 2. ld daandaamid.
daandaan (2) Tabardarro awgeed dhicdhicid.
daandaansad ld daandaansasho.
daandaansan Wax wareersan ahaansho (nafley).
daandaansanaan eeg daandaansan. ld daandaansanaansho.
daandaansanaansho ld daandaan- sanaan.
daandaansasho eeg daandaanso. ld daandaansad, daandaansi.
daandaansi ld daandaansasho.
daandaanso Si bareer ah qof u maagid; faduulin.
daandheero Cudur geela ku dhaca oo ka dhasha ilig si xad dhaaf ah u dheeraada oo uu neefku calaliska ku dhibtoodo.
daanduumi ld daadduumi.
daanduumid ld daadduumid.
daanduumin ld daadduumin.
<< < 279 280 281 282 283 284 285 286 287 288 289 > >>