saajacnimoSaajac ahaansho.
saajinAskari derejediisu saddax alif tahay.
saakaMaalinta la joogo subaxeeda. ld saakay.
saakayld saaka.
saakuunMaalinta saaddambe xigta.
saalaweyneeyeGeed caleemo waaweyn oo xoolaha qaarkood daaqaan.
saalaxweeteeBadeeco aan badnayn hadba meel la tegid.
saalaxweeteyneeg saalaxweetee.
saalaxweeto1. Ganacsato yaryar oo aalaaba wareegta ama aan lahayn rug loogu soo hagaago. 2. Hab loo ganacsado badeeco iyadoo aan lacagteeda la bixinb lala wareego. 3. Hab ganacsi ah oo ba-deeco yaryar habda meel wareejiyo.
saalimoMidab madow oo ay iduhu ku yeeshaan barida ama agagaarka sabiisha.
saalimowHangool yar oo gadaal farraarro dhawr ah ku leh oo madow, loona subko oo suufiyada qaarkood qaataan.
saaloSaxaro kuuskuusan oo geela, ariga iyo ugaarta qaarkeed dhigaan.
saalooGeel, ari iyo ugaarta qaarkeed saalo dhigid.
saaloodeeg saloo.
saamKaltanka heeganka.
saamaanld saabaan.
saamaggadeCayayaan yaryar oo lugo badan leh iyo midab caddaan xigeen ah oo tiro badan u wada socda.
saamajiid1Si caajis iyo itaaldarro ku jirto oo loo socdo.
saamajiid2Si caajis iyo itaaldarro ku jirto u socosho.
saamajiidideeg saamajiid.
saamax1Dhaafidda laga dhaafo dembi ama deyn cid qabtay. ld saamaxaad.
saamax2Wax xun oo cid fashay ama loo haystay ciqaabtii ay mutaystay ka cafin.
saamaxaadld saamax¹.
saamayneeg saamee. ld saamays.
saamaysld saamayn.
saamee1. Wax raad ku reebid. 2. Wax cid khuseyn.
saami11. Wax la qaybsaday inta qof walba gooni u helo. 2. Hantida qof kaga qaybgalo shirkad beecmushtari. 3. Xiriir ka dhexeeya laba tiro-xisaabeed. ld sahmi¹
saami2(xis.) Saamiga laba xaddi ama laba walax xisaabeed A iyo B waa qaybta ma jajabka labada xaddi A/B oo loo qoro A : B. 5. Tiro ama xaddi loo qaybiyey mid kale. Saamiga laba xaddi oo doorsoomeyaal ah x iyo y, oo loo qoro x/y ama x : y, waa madoorsome addooy saa-migal u tahay x.
saami3Wax sida loo kala leeyahay u qaybin.
saamiggal(xis.) Isgarabdhigidda laba ama dhawr saami. Haddii, tusaale ahaan, a, b, c ay yihiin saddex tiro oo ay a:b:c = 2:3:5, warkaa a/2, b/3, c/5 waxa la yiraahdaa waxa ay saamiggal u yihiin 2, 3, 5, xiriirkuna waxa loo muujin karaa a=b=c. Sidaa oo kale, waxa aan oran karna a:b = 2:3, b:c = 3:5, iyo a:c = 2:5.
<< < 1 2 3 4 5 6 7 8 9 > >>