Ereyga Maanta: qoto-ekeeye
dahaarnansho ld dahaarnaan.
dahab Macdan qaali ah, midab cawlan leh, dhalaasha, aan daxalaysan oo waxyaabaha la isku qurxiyo laga samaysto.
dahabee Wax dahab ku dheehid.
dahabeyn eeg dahabee.
dahabi D. ah: wax midab dahab leh.
dahabo Shimbir yar garbaha, ka madow, baalashana midab dahabi ah ku leh; caddadhuuni.
dahan ld dihin.
dahar (dahar, m.dh) 1. Geed weyn oo harac ah. 2. Dhismo hoos leh, qabriyada laga ag dhiso oo Quraanka lagu akhriyo.
dahasho ld dihasho.
dahid eeg dah.
dahnaan ld dihnaan.
dahnaansho ld dihnaan.
daho ld diho.
dahsoomid eeg dahsoon¹.
dahsoon (1) Wax qarsoon noqosho.
dahsoon (2) Wax qarsoon ahaansho.
dahsoonaan eeg dahsoon². ld dahsoonaansho.
dahsoonaansho ld dahsoonaan.
dakaamid eeg dakaan². ld dakaamo (2), dakaan¹ (2).
dakaamo 1. Daal badan oo ku yimaadda gammaanka iyo awrta marka ay socod dheer galaan. 2. ld dakaamid.
dakaan (1) 1. D. ah: gammaan ama awr aad u daalay. 2. ld dakaamid.
dakaan (2) Gammaan ama awr aad u daalid.
dakanaduug (1) Baabi'inta la baabi'iyo godob dad u dhexeysey. ld dakanaduugid.
dakanaduug (2) Godob dad u dhexaysay baabbi'in.
dakanaduugid eeg dakanaduug². ld dakanaaduug¹.
dakane ld dakano.
dakano Godob, utun, dhagar. ld dakane.
dakar Xubinta taranka ee ragga; gus.
dakayn eeg dakee.
dakee 1. Sariir, kursi iwm ku dul raaxaysasho. 2. Biyo ku dul maraabayn (markab ama doon).
<< < 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 > >>