Ereyga Maanta: biqil
deyraan Dabaysha, firada, heerka iwm oo ka soo hormara roob di'i raba.
deyradhaaf Bartamaha xilliga diraacda oo ah waqti aad u dhaxan badan.
deys 1. D. ah: faras dibad joognimo ku barbaaray oo aan la laylin. 2. D. ah: qof iskorisnimo ku barbaaray oo akhlaaq xun.
deysasho eeg deyso.
deyso 1. Wax bixintooda diyaar loo ahaa cashasho. 2. D. ah: timo jarriin ka dhaafid.
dhaab (1) 1. Qori, bir iwm oo dhul xoog ugu mudan si uu u xajiyo dhismo iwm. 2. Daloolada xanjada ka sameysan ee shinnidu malabka ku keydsato; kabar.
dhaab (2) Qof, bir, iwm dhulka xoog ugu mudid si uu u xajiyo dhismo iwm.
dhaabad 1. Ballan. 2. Tix yar oo maanso iwm dhextaal u ah.
dhaabadee Maanso iyo wax la mid ah dhaabad u yeelid.
dhaabadeyn eeg dhaabadee. ld dhaabadays.
dhaabadeys ld dhaabadeyn.
dhaabadeysan Wax dhaabad loo yeelay ahaansho (arrin).
dhaabadeysnaan eeg dhaabadeysan. ld dhaabadeysnaansho.
dhaabadeysnaansho ld dhaaba- deysnaan.
dhaabalo 1. Qallaco awrta qooqani isu geysato kolkay dagaallamayaan; qaniinyo. 2. Gubaabo.
dhaaban (1) Wax meel lagu dhaabay noqosho.
dhaaban (2) Wax meel lagu dhaabay ahaansho.
dhaabasho eeg dhaabo.
dhaabdhaab Wax, wax kale xoog ugu mudid.
dhaabdhaab dhaabid eeg dhaab².
dhaabdhaabid ee.
dhaabmid eeg dhaaban¹.
dhaabnaan eeg dhaaban². ld dhaabnaansho.
dhaabnaansho ld dhaabnaan.
dhaabo Wax meel ku mudasho.
dhaaclayn eeg dhaaclee. ld dhaalcayn, dhaclayn.
dhaaclaysan Xarig wax la dhacleeyay ahaansho. ld dhaalcaysan, dhaclaysan.
dhaaclaysnaan eeg dhaaclaysan. ld dhaaclaysnaansho, dhaalcaysnaan, dhaalcaysnaansho
dhaaclaysnaansho ld dhaaclaysnaan.
dhaacle 1. Xarig dhuuban, afar dhudood ah, labada dacal bul ku leh, ka samaysan dun qurxoon oo gabdhaha dhexda ku xirtaan. 2. Suun ballaaran, bulal lagu qurxiyey oo fardaha qoorta loogu xiro. 3. Hab quruxsan, oo xarkaha afar dhudoodka ah loo sameeyo. ld dhaalce, dhacle.
<< < 347 348 349 350 351 352 353 354 355 356 357 > >>