Ku dar erey cusub Qaamuuska!

Ereyga Maanta: tefiir
deynso Lacag iwm cid ka amaahasho.
deyr ld deyd.
deyraan Dabaysha, firada, heerka iwm oo ka soo hormara roob di'i raba.
deyradhaaf Bartamaha xilliga diraacda oo ah waqti aad u dhaxan badan.
deys 1. D. ah: faras dibad joognimo ku barbaaray oo aan la laylin. 2. D. ah: qof iskorisnimo ku barbaaray oo akhlaaq xun.
deysasho eeg deyso.
deyso 1. Wax bixintooda diyaar loo ahaa cashasho. 2. D. ah: timo jarriin ka dhaafid.
dhaab (1) 1. Qori, bir iwm oo dhul xoog ugu mudan si uu u xajiyo dhismo iwm. 2. Daloolada xanjada ka sameysan ee shinnidu malabka ku keydsato; kabar.
dhaab (2) Qof, bir, iwm dhulka xoog ugu mudid si uu u xajiyo dhismo iwm.
dhaabad 1. Ballan. 2. Tix yar oo maanso iwm dhextaal u ah.
dhaabadee Maanso iyo wax la mid ah dhaabad u yeelid.
dhaabadeyn eeg dhaabadee. ld dhaabadays.
dhaabadeys ld dhaabadeyn.
dhaabadeysan Wax dhaabad loo yeelay ahaansho (arrin).
dhaabadeysnaan eeg dhaabadeysan. ld dhaabadeysnaansho.
dhaabadeysnaansho ld dhaaba- deysnaan.
dhaabalo 1. Qallaco awrta qooqani isu geysato kolkay dagaallamayaan; qaniinyo. 2. Gubaabo.
dhaaban (1) Wax meel lagu dhaabay noqosho.
dhaaban (2) Wax meel lagu dhaabay ahaansho.
dhaabasho eeg dhaabo.
dhaabdhaab Wax, wax kale xoog ugu mudid.
dhaabdhaab dhaabid eeg dhaab².
dhaabdhaabid ee.
dhaabmid eeg dhaaban¹.
dhaabnaan eeg dhaaban². ld dhaabnaansho.
dhaabnaansho ld dhaabnaan.
dhaabo Wax meel ku mudasho.
dhaaclayn eeg dhaaclee. ld dhaalcayn, dhaclayn.
dhaaclaysan Xarig wax la dhacleeyay ahaansho. ld dhaalcaysan, dhaclaysan.
dhaaclaysnaan eeg dhaaclaysan. ld dhaaclaysnaansho, dhaalcaysnaan, dhaalcaysnaansho
<< < 347 348 349 350 351 352 353 354 355 356 357 > >>