Ereyga Maanta: macaahado
runsheeg ld runsheegid.
runsheegid Sheegidda xaqiiqada. ld runsheeg.
ruq (1) R. ah: neef xoolo ah oo caato la kici waayay. ld ruqo¹.
ruq (2) Geed wax xididdadiisu dhulka ka soo wada fuqeen noqosho.
ruqaansad ld ruqaansasho.
ruqaansasho eeg ruqaanso. ld ruqaansad, ruqaansi, ruuqaansad, ruu-qansasho.
ruqaansi ld ruqaansasho.
ruqaanso 1. Neef geel ah kicid isku dayid. 2. Nafley fadhida kuurkuursi samayn. ld ruuqaanso.
ruqasho eeg ruqo².
ruqid eeg ruq².
ruqo (1) Qof ama neef xoolaad oo aad caato u ah.
ruqo (2) Qof ama neef xoolaad aad u caatoobid.
ruqsad ld ruqso¹.
ruqsasho eeg ruqso².
ruqsayn eeg ruqsee.
ruqsayso Qof shaqo ka tegid.
ruqsee Qof ruqso siin.
ruqso (1) 1. Idan; fasax. 2. Shaqo ka fariisin qof hawshii uu hayey laga fariisiyo. 3. Warqad ay ku qorantahay oggolaasho wax reebban. ld ruqsad.
ruqso (2) Geed si xoog leh dhul uga siibasho.
ruqur (1) 1. Cad yar oo hilib ah oo ku yaalla daloolka dhegta hortiisa. 2. Wax yar oo ka soo yuubo meel sulub ah.
ruqur (2) (bot.) Botani ahaan fuf aan qaangaadh ahayn oo isku cufan oo leh jirrid gaaban oo bixisa caleemo yar yar oo laalaaban, caleemaha dusha ee ruqurtu inta badan waa jidhif oo kale waxayna ilaalisaa caleemaha gudaha ee jilicsan.
ruquus (1) ld raquus¹.
ruquus (2) ld raquus².
ruquusid ld raquus¹, raquusid.
rushayn eeg rushee. ld rushays.
rushays ld rushayn.
rushaysan Dhul wax biyo si habaysan loogu bilbilay ahaansho.
rushaysasho eeg rushayso.
rushaysnaan eeg rushaysan. ld ru-shaysnaansho.
rushaysnaansho ld rushaysnaan.
<< < 33 34 35 36 37 38 39 40 > >>