Ereyga Maanta: olmon
sawee ld saawee.
sawir (1) 1. Muuqaal u eg nafley ama wax kale oo gacanta lagu masawiray ama aalad wax sawirta. 2. Qof aan caqli lahayn; nacas.
sawir (2) Gacan ama aalad wax suuraddooda ku muujin.
sawiran (1) Wax la sawiray noqosho.
sawiran (2) Wax la sawiray ahaansho.
sawirid eeg sawir².
sawirle Qof aaladda wax sawirta ku shaqeeya oo aqoon u leh.
sawirmid eeg sawiran¹.
sawirnaan eeg sawiran². ld sawir-naansho.
sawirnaansho ld sawirnaan.
sawirnimo Sawir ahaansho.
sawjar Askeri caddaan ah oo aan derejo lahayn. ld sowjar.
sawjarnimo Askeri ahaansho. ld sowjarnimo.
sawlac (1) Heerka bislaanshaha miraha ee ka horreeya qallaylka.
sawlac (2) Heerka bislaan-shaha miraha ee qallaylka ka horreeya gaarid.
sawlacid eeg sawlac².
sawlacsan Wax sawlac gaaray ahaansho (miro).
sawlacsanaan eeg sawlacsan. ld saw-lacsanaansho.
sawlacsanaansho ld sawlacsanaan.
sawlax (1) Weyrax.
sawlax (2) Weyrixid.
sawlaxid eeg sawlax².
sawo S. ah: isku mid ah oo aan wax is dheereyn.
sawrac 1. Meesha laga soo farcamay. 2. tilmaan, sifo shay, ummad ama qof gaar uleeyahay.
sax (1) S. ah: wax aan qalad ahayn.
sax (2) Wax qalad ka bixin.
saxaab Daruur.
saxaafad Habka, aqoonta iyo farsama-da loo isticmaalo war lagu baahinayo jara'-id.
saxaarad Santuuq weyn oo alwaax ka samaysan oo wax lagu rito. ld seexaarad.
saxaax Xubnaha taranka iyo meesha ay ku yaallaan.
<< < 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 > >>