fayx ld feex.
febraayo Bisha labaad ee sanadka miilaadiga ah.
feddo Dhul sare oo siman.
feded Wax cabsi awgeed uga cararid.
fededi Qof in uu cabsi awgeed wax uga cararo gayeysiin.
fededid eeg feded.
fededin eeg fededi.
federaal ld federaali.
federaali (siyaa.) Midow dhex mara gobollo madaxbannaan oo mid waliba leedahy sharcigeeda gudaha, laakiin uu ka dhexeeyo dastuur kaliya. ld federaal.
federaalnimo Federaal ahaansho.
feed Dhul sare oo fidsan.
feedh (daaw.) Mid ka mid ah lafaha dhuudhuuban oo xoodan, kuwaas oo sameeya qafis daboola ilaaliyana wadnaha iyo sambabada. Feedhuhu waxay u samaysanyihiin lammaane ku xidhan taxanaha lafdhabarta xammaaratada, shimbiraha iyo naasleyda) ilaa iyo kalxanta oo xagga hore ah.
feegaar1 1. Far la iska qoro iyadoo aan dan laga lahayn. 2. Farbarasho qof sameeyo. feegaar2 1. Far aan dan laga lahayn qorid. 2. Farbarasho samayn. feegaarid eeg feegaar².
feejig ld feeyig.
feejigaan ld feeyigaan.
feejigaansho ld feeyigaansho.
feejigan ld feeyig.
feejignaan ld feeyignaan.
feejignaansho ld feeyignaan.
feen Cadad yaryar oo ku hara laf hilib laga cunay.
feenad ld feenasho.
feenasho eeg feeno. ld feenad.
feeni Laf feen ka dhammayn.
feenin eeg feeni.
feeno Laf hilib ku haray ka dhammaysasho.
feer Dhufashada wax lagu dhufto gacanta oo duuban.
feer1 1. Lafaha dhuudhuuban, xooggan ee ku xeeran dhawraarintana u ah uur ku jirta nafleyda inteeda sare. 2. Hareer; gees, dhinac. 3. (w) Qaaxo. feer2 1. (f.g) Fara duuban wax ku dhufasho. 2. (f.g) Tin iwm shanleyn. 3. (f.g) Wax dalliig u dillaacin. 4. (f.mg) Roob da'ayay joogsasho.
page : 41 of 73
<< < 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 > >>