Ereyga Maanta: herso
tiratoomin eeg tiratoomi. ld tira-toomis.
tiratoomis ld tiratoomin.
tirbi Asluub.
tirci Nafley si tartiib ah u wadid. ld turci.
tircid eeg tirci. ld turcid.
tircin eeg tirci. ld turcin.
tiri 1. Wax inta ay ka koobanyihiin xisaabid. 2. Gabay, hees iwm curin. 3. Ku t.: wax meel in ay ku sugan yihiin u malayn. 4. Ku t.: wax rasaas ku furid.
tiric Tartiib u socosho. ld turuc.
tirid eeg tir. ld tiris², tirniin.
tirigonometeri (xis.) Laanta xisaabta ee ku saabsan furfurista saddex-xagallada iyada oo la adeegsanaayo fansaarro tirignometiyeed. Waxa ay qiime aad waxtar leh u leedahay maadooyinka sida: injineeriya, nakhsha-daynta, sahminta badmaax, cilmifalag iwm, waxaa loo qaybiyaa laba qaybood oo kala ah: tirignometeriga sallaxa oo ku saabsan saddex-xagallo sallaxaha iyo tirignome-tiriga kubbadeed oo ku saabsan saddex-xagallo kubbadeed. Fansaarrada tirigo-nometeriyeed waxaay kaalin muhiim ah ka qaataan saafidda waxaana loo adeegsadaa in lagu muujiyo birar iyo finoomino.
tirigsan Xarig si tirjis ah loo sameeyay ahaansho.
tirigsanaan eeg tirigsan. ld tirigsanaansho.
tirigsanaansho ld tirigsanaan.
tirigsasho eeg tirigso.
tirigso Xarig saddex dhudood ah soohasho. ld tirjiso.
tiriig 1. Koronto. 2. Siraad gaas lagu shubo oo la neefiyo oo iftiin xoog badan bixiyo. 3. T. ah: xarig saddex dhudood ah oo isku soohan.
tirin eeg tiri. ld tiris¹.
tiris (1) ld tirin.
tiris (2) ld tirid.
tirji Xarig iwm oo xoog leh samayn.
tirjin eeg tirji. ld tirjis.
tirjis ld tirjin.
tirjiso ld tirigso.
tirnaan eeg tiran. ld tirnaansho.
tirnaansho ld tirnaan.
tirniin ld tirid.
tiro (1) 1. Hab lagu garto kolka mid mid loo soo qaado kaddib, inta inood oo wax ka koobanyahay. 2. Ari ka kooban boqol (100) neef. 3. T. iyo tayo: caddad iyo qaayo.
tiro (2) 1. (xis.) Summado loo adeegsado tirinta iyo cabbirid- da.Tirooyinka hadda guud ahaan la adeegsado waxa ay ku salaysanyihiin habdhis salkiisu yahay Hindi-Carab. 2. (xis.) Tiro kasta oo ah maangal ama murakab waxa jiro noocyo badan oo tirooyin ah: (b) tirsiimo (abyoone togan) (t) tiro idil (j) abyooneyaasha (x) tiro lakab ah (kh) tiro lakab la'. 3. (nax.) Koox naxweed oo waxqabadkeedu yahay in ay tilmaanto cadad dad, xayawaan iyo shay oo giddigooda ah tirsamayaal. Tus. “Kow, labo, qof”; tirada lidka isku ah waa keli iyo wadar (mid/dhawr).
tiro (3) Wax meel ka ba'sasho.
tiro Afogaadro (kiim.) Tirada atamada ama molikuyuulada ee ku jira hal mool oo walax ah. Qiimaheeduna waa 6.022 x 10 ; waxa hore loo oran jiray tirada Afogaadaro, waxaana lagu asteeyaa sum-madda NA ama L.
<< < 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 > >>