dhunxi ld dhunji.
dhunxin ld dhunjin.
dhunxis ld dhunjis.
dhuq Xubinta taranka ee haweenka gudaheeda.
dhuqdhuqayn eeg dhuqdhuqee.
dhuqdhuqaysad ld dhuqdhuqaysasho.
dhuqdhuqaysasho eeg dhuqdhuqayso. ld dhuqdhuqaysad, dhuqdhuqaysi.
dhuqdhuqaysi ld dhuqdhuqaysasho.
dhuqdhuqayso Hanti aan badnayn meel si joogto ah uga helid.
dhuqdhuqee Jid si joogto ah horay iyo gadaal ugu noqnoqosho.
dhuqmee Meel ciriiri ah wax ka soo bixin.
dhuqmeyn eeg dhuqmee.
dhuqmeysasho dhuqmeyso.
dhuqmeyso Meel cariiri ah wax kala soo bixid.
dhur (1) 1. Taran. 2. Nasiib. 3. Faa'iido.
dhur (2) Biyo weel dardarid iyadoo meel kale lagu shubayo.
dhuraal (1) Ceel biyo yarood ah oo in qof la geliyo oo uu biyaha soo dhuro mooyee aan si kale looga cabbin.
dhuraal (2) 1. Dh. ah: ceel biyo yarood ah oo aan wadaamaha la dardari karin. 2. Dhuridda biyo weel lagu dhuro iyadoo meel kale lagu shubayo.
dhuran (1) Wax hadal tiro badan oo aan xikmad lahayn sheegaya noqosho (qof).
dhuran (2) Wax la dhuray ahaansho (biyo).
dhurasho eeg dhuro.
dhurbe Jaadadka cawska mid ka mid ah.
dhurdarraysad ld dhurdharraysasho.
dhurdarraysasho eeg dhurdarrayso. ld dhurdarraysad, dhurdarraysi.
dhurdarraysi ld dhurdarraysasho.
dhurdarrayso Aayaxumo la kulmid.
dhurdarro Aayaxumo.
dhurdarroobid eeg dhurdarrow.
dhurdarrow Qof aayaxumo la kulmay noqosho.
dhurde Cayayaan sida gelmiga u yaryar oo surta sameeya.
<< < 432 433 434 435 436 437 438 439 440 441 442 > >>