dhuxuldhagaxeed Dhuxul dhagax noqday. ld dhuxuldhuleed.
dhuxuldhuleed ld dhuxuldhagaxeed.
dhuxulee 1. Dab dhuxul u yeelid. 2. Qoryo dhuxul ka dhigid.
dhuxulkurreeb 1. Jirac qaniinyo kulul. 2. Jaad dibaqallooca ka mid ah oo yar oo qaniinyo kulul.
dhuxun (1) Dhagax gaar ah oo badanaa guduudan oo xanaf leh oo mindiyaha iwm lagu afeeyo; lisin.
dhuxun (2) 1. Biyo ceel ama wax kale oo leh dhadhan xaraar. 2. Dhul dibir iyo dhano ah.
dhuyac (bot.) Jaad geedaha ka mid ah aan qodax lahayn, caleemo yaryar oo laamo-laamo u baxa. ld dhuyuc.
dhuyuc ld dhuyac.
di'i Roob keenid (Ilaah).
di'id eeg da'. ld di'is, di'itaan.
di'in eeg di'i.
di'is ld di'id.
di'itaan ld di'id.
dib (1) Dhabarka xoolaha qaarkiisa danbe (hilib). ld dub¹.
dib (2) 1. Gadaal. 2. Ka 0 d./kadd.: xagga dambe ka xiga.
dibaaji ld diibaaji.
dibaakh (1) ld dabaakh¹.
dibaakh (2) ld dabaakh².
dibaakhid ld dabaakhid.
dibaaq ld dubaaq.
dibaax ld daabax.
dibaaxasho eeg dibaaxo. ld dubaaxasho.
dibaaxi Boodboodid yaryar oo kolkol hilibku yeesho, siiba muruqyada; burunjiyayn; jarcayn. ld dubaaxi.
dibaaxin ld dubaaxin.
dibaaxis (1) ld dubaaxin.
dibaaxis (2) (c.nafl.) Kala baxa iyo ururka hirarka muruqyada xiraadka la'ee mara dheefmareenka, kuwaa oo suurtoggeliya socodka cuntada. Waxaana keena uururka muruqyada wareegsan ee gidaarka calool yarada. ld dubaaxis².
dibaaxo Meel jirka ka mid ah gariirid. ld dubaaxo.
dibad 1. (fk) Meel bannaan ama awdnayn. 2. Dal shisheeye. ld dibed.
dibadbax (1) Bambax.
dibadbax (2) Dad wax ayidaaya ama wax diidaaya ama u dabbaal degaaya, soo bannaanbixid.
<< < 438 439 440 441 442 443 444 445 446 447 448 > >>