Ereyga Maanta: mililikh
diirran (2) Wax aan aad u kululayn ahaansho. Tus. “Caano diirran baan cabbey”.
diirranaan eeg diirran². ld diirra- aansho.
diirranaansho ld diirranaan.
diirri ld diiri.
diirrimaad 1. ld diirsimaad. Kulayl aan aad u badnayn. 2. ld diirin.
diirrin ld diirin.
diirris ld diirin.
diirsad ld diirsasho.
diirsasho eeg diirso. ld diirsad, diirsi.
diirsi ld diirsasho.
diirsimaad ld diirimaad (1).
diirso 1. (f.g) Biyo, caano iwm in yar kululeysasho. 2. (f.mg) Ku d.: Wax diirrimaad ka helid.
diis Wax buusid (weel iwm).
diisan Wax hoos u godan ahaansho.
diiseembar ld disembar.
diisid eeg diis.
diisnaan eeg diisan. ld diisnaansho.
diisnaansho ld diisnaan.
diiwaan 1. Buug lagu aruuriyo maanso qof leeyahay. 2. Buug lagu qoro waxyaabo la rabo in la xasuusto.
diiwaanee Diiwaan gelin, ku qorid.
diiwaaneyn eeg diiwaanee.
diiwaangeli Wax diiwaan ku qorid.
diiwaangelin eeg diiwaangeli.
diiwaanhaye Qof wax diiwaaniya.
diiwaanhayn Meel wax lagu diiwaaniyo; arkiifiyo. ld diiwaaniye.
diiwaani Wax diiwaan gelin.
diiwaanin eeg diiwaani.
diiwaaniye ld diiwaanhaye.
dikaamid eeg dikaan². ld diikaan¹ (2).
dikaan (1) 1. Dhaqdhaqaaq yar oo isdabajoog ah sida kan dhiigga xididdada xulaaya ama meel malaxi ku jirto. 2. ld dikaamid.
<< < 450 451 452 453 454 455 456 457 458 459 460 > >>