dufaysnaan eeg dufaysan. ld dufaysnaansho.
dufaysnaansho ld dufaysnaan.
dufee Cid dulli badid.
dufle Marka sabuulka galleyda ama meseggadu aysaan iniinyahoodu waa- weynaan.
dufni Wax dufan marin.
dufnin eeg dufni.
dufoobid eeg dufow². ld dufow¹.
dufow (1) ld dufoobid.
dufow (2) Wax dulloobey noqosho.
dug 1. Meel aan dhaxan lahayn; duggaal; dugsi. 2. Dhinaca dabeyshu u socoto.
dug (1) Delebka oo inta la rido aan wax dhibic ah lagu helin (cayaarta delebka).
dug (2) 1. (f.g) Wax jihadey u socdeen ka leexin. 2. (f.mg) Foorarsasho.
dugaag 1. Bahalaha intooda hilib ku noolka ah. 2. Qof laayaan ah oo naxariis daran.
dugaagad Garaangar dahab, qalin iwm ka sameysan oo haweenku gacmaha gashadaan xarrago darteed.
dugaagnimo Dugaag ahaansho.
dugaagoobid eeg dugaagow.
dugaagow Dugaag noqosho; bahaloobid.
dugdhabayn eeg dugdhabee.
dugdhabee Wax dhinaca galbeed ka marid.
dugdhabo Dhinaca galbeed.
dugey Erey qofkii dhibaato weyni gaarto uu yiraahdo; jabay!; hoogey!; ba'ay.
duggaafad ld dukaafad.
duggaal (1) Meel dhaxanta celisa.
duggaal (2) ld duggaali.
duggaali Ka d.: wax duggaal ka dhigid. ld duggaal².
duggaalid ld duggaalin.
duggaalin eeg duggaali. ld duggaalid, duggaalis.
duggaalis ld duggaalin.
duggaalsan Wax duggaal leh ahaansho.
duggaalsanaan eeg duggaalsan. ld duggaalsanaansho.
<< < 471 472 473 474 475 476 477 478 479 480 481 > >>