Ereyga Maanta: sawrac
duggaalsanaansho ld duggaalsanaan.
duggadhaanis Qaanjeer cad oo dadka jirkiisa ka muuqata marka uu dhididku ku qallalo.
dugid eeg dug².
dugle Nafley caato ah oo tabardaran.
dugsad ld dugsasho.
dugsasho eeg dugso. ld dugsad.
dugsi 1. Meel duggaal ah. 2. Meel wax lagu barto. ld iskool, iskuul.
dugsii Wax duggaal u yeelid.
dugsiin eeg dugsii. ld dugsiis.
dugsiis ld dugsiin.
dugsiley Ardo quraan dhigata.
dugso Meel dhaxan ka gelid.
dugsoon Wax dugaal leh ahaansho.
dugsoonaan eeg dugsoon. ld dugsoonaansho.
dugsoonaansho ld dugsoonaan.
dugul D. ah: midab aad u madow.
duhur 1. Waqtiga u dhexeeya harka ilaa casarka. 2. Salaadda xilliga la tukado.
duhur-kulul Xilliga u dhexeeya 1-da duhurnimo ilaa 2-da.
duhurnimo Duhur ahaansho.
duhursasho ld duhurso.
duhurso Waqtiga duhurka meel ku sugnaan.
duji 1. Wax dhammaystirid. 2. Wax afgembiyid. 3. ld tuji.
dujin eeg duji. ld tuji. ld dujis.
dujis ld dujin.
dukaafad Meel qashinka lagu daadsho; qashinqub. ld duggaafad, kuddaafad.
dukaan Qol khaanado alaabta la saaro leh oo cuntada, dharka iwm lagu gado.
dukaanle 1. Qof dukaan iibiya. 2. Qof dukaan leh.
dukad ld tukasho.
dukhun ld duqus.
dukhuun Dad ama xoolo aad u gaboobay oo tabar dhigay; sirqo.
<< < 472 473 474 475 476 477 478 479 480 481 482 > >>