Ereyga Maanta: iimee
ebyanaansho ld ebyanaan.
ebyid eeg ebi².
ebyoomid ld ebyamid.
ebyoon (1) ld ebyan¹.
ebyoon (2) ld ebyan².
ebyoonaan ld ebyanaan.
ebyoonaansho ld ebyanaan.
edbi 1. Qof anshax xun toosin. 2. Asluub fiican cid ku barbaarin.
edbin eeg edbi.
edeb Asluub iyo anshax wanaagsan.
edebdaran Wax anshax iyo asluub xun ahaansho.
edebdarnaan eeg edebdaran. ld edebdarnaansho, edebdarro.
edebdarnaansho ld edebdarnaan.
edebdarri ld edebdarro (1).
edebdarro 1. ld edebdarri. Anshax iyo asluub xun. 2. ld edebdarnaan.
edebdarroo Ka e.: anshax xun ku kicid.
edebdarrood eeg edebdarroo.
edebsami Anshax ama asluub wanaagsan oo cidi ku sifowdo. ld edebsamo.
edebsamo ld edebsami.
edebsan Wax anshax fiican ahaansho (qof).
edebsanaan eeg edebsan. ld edeb- sanaansho.
edebsanaansho ld edebsanaan.
edebsasho eeg edebso.
edebso Ilmo anshax wanaagsan u yeelasho.
edebyeelasho eeg edebyeelo.
edebyeelo Ka e.: edeb lahaansho; dhaqan wanaagsan yeelasho.
edeg (1) 1. Xero yar oo dhasha xoolaha irmaan lagu xereeyo. 2. Meel ciriiryoon.
edeg (2) Maqal xoolaad xero yar gelin.
edegkudhufaan Orgi yar oo caano nuug isagoo ah xiniinyaha laga baxshay. ld ciddikudhufaan.
edegshoomo Edeg dagiiranka lagu ugaarsado.
<< < 491 492 493 494 495 496 497 498 499 500 501 > >>

