Ereyga Maanta: dhabataysi
kiis3  ld kiisa². kiisa1  (kuwiisa, w) Magacuyaal lahaansho oo lab ah, oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee lab) uu leeyahay. Tus. “Buuggaaga qaado kiisana meel u dhig”. kiisa2  Dibkabe lahaansho oo lab ah oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee lab) uu leeyahay. Tus. “Aaway qalankiisa?”. ld kiis³, ki, kii². kiisad  ld kiishad.
kiish  Kolay maro, harag iwm ka samaysan oo wax lagu rito. ld kiis¹.
kiish yaro  (daww.) Kiish yar oo ka sameysma meelaha dabacsan ee xubnaha dheefshiidka.
kiish-dabac-halbawle  (daaw.) Kiish dhiig ka buuxo oo ka sameysma halbawlayasha jirka, waxaana keena xididka oo meel ka dabca.
kiishad  Suun la xirto oo leh jeeb ama laba oo lacagta iwm. lagu rito. ld kiisad.
kiishka xabka  (c.nafl.) Kiishka xabku ka buuxo oo ilmaha uurka ku jira ku dhex jiraan waxaana daboola xuubka “amnion”.
kiisid  eeg kiis².
kiismiskiin  Codsi qof u qorto maxkamad si looga dhaafo kharajka ku baxaya dacwadda loo qaadayo.
kiitoon  (kiim.) Moli-kuyuullada leh urur shaqaale RCOR'. eeg urur shaqo.
kilkil1  Ruxidda si xoog ah wax loo ruxo. kilkil2  Wax si xoog iyo dhakhso leh u ruxid. kilkilayn  eeg kilkilee. ld kilkilays.
kilkilays  ld kilkilayn.
kilkilee  Cid kilkilada ka xagatayn.
kilkilid  eeg kilkil².
kilkilo  Meesha godan ee ku taal meesha cududda iyo garabku isaga yaalliin, dhankeed hoose; shaqfal.
killaal1  1. Xabsi. 2. K. ah: meel ciriiryoon oo aan laga bixi karin. 3. Meesha cududda iyo dhudhunka dadku iska galaan. kiloogaraam  Summad: Kg. Halbeegga caalamiga (H.C.) ee cufka loona qeexo cuf le'eg muunadda caalamiga ee ka samaysan balaatinam, iridiyam, laguna keydiyo waaxda keydinta cabbirka iyo misaanka, kuna taalla Sefres, agagaarka Baariis. Muunadda caalamigu waxa ay ka samaysan tahay dhululubo jooggeedu le'egyahay dhexroorkeeda kana diyaarsan iskudhaf ka kooban 90% balaatinum iyo 10% iridiyam.
kiloogaraam culeys  eeg cufisjiidad.
kimistariga noolaha  (kiim.) Barashada kiimistariga noolayaasha, gaar ahaan dhismayaashooda iyo shaqada waxyaabaha kiimikeed ee ay ka koobanyihiin, sida badan borotiin, kaarboohaydrayt, dux iyo asiidho bu'eed.
kimistariga oorgaanigga ah  (kiim.) Kiimistariga iskudhisyada kaarboon.
kimistariga orgaanig-ma-ahe  (kiim.) Laan ka mid ah kiimistariga oo la xiriita curiyayaasha (marka laga reebo kaarboon) iyo weliba diyaarintooda, astaamahooda iyo falgallada isku dhisyadooda iskudhisy fudud oo kaarboon ah oo kooban oo ay ka mid yihiin ogsaydhadu ayaa lagu bartaa kiimistariga orgaanig-ma-ahe.
kiniin  ld kiniini.
kiniini  (daaw.) Dawo la adkeeyey oo iniinaha laga dhigo, guud ahaan oo afka laga qaato.
kintir  (c.nafl.) Xubin yar oo jilicsan oo u eg dhoorka digaagga oo ku taal xubinta taranka haweenka, kuna shaqo leh dareenka macaansiga galmada.
kir  Yallah!, hayahee! bax!, tag!, kac!, hus!, yur! ld kis.
kiree  Hanti gaar ah sida baabuur, guri iwm manaafacaad-sigooda cid kale lacag kul heshiin.
page : 52 of 73
<< < 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 > >>