Ereyga Maanta: jimcobarqadle
daruur-buureed(c.cimi.) Daruur ka samaysanta dhinaca dugaalka ah ee buurta ama figta gunburta.
daruur-hoose(c.cimi) Nooc daruur hoose ah oo ka kooban lakab iskumid ah, oo la moodo dhado dhulka kor uga kacday.
daruuradld daruurasho.
daruuranWax daruur leh ahaansho.
daruurashoeeg daruuro². ld daruurad.
daruurayneeg daruuree.
daruuraysashoeeg daruurayso.
daruurayso1. Cir, daruur yeelasho. 2. Meel naq leh u guurid. 3. Kabo, laammo iwm daruur u yeelasho.
daruureeNeef daruuro gelin.
daruuri1D. ah: wax nolosha aanay ka maarmin.
daruuri21. Isu d.: arrin ama meel si geesinnimo iyo degdeg leh u gelid. 2. U d.: wadaan, weel iwm ceel si degdeg ah ugu ridid.
daruurideeg daruur4.
daruurineeg daruuri².
daruurnaaneeg daruuran. ld daruur---naansho.
daruurnaanshold daruurnaan.
daruurnugulDaruur weyn oo hoos yeelata aanse di'in.
daruuro1Siriqda loo yeelo xarig wax lagu qabanayo.
daruuro2Kabo, maro iwm liid qurxan ku tolasho.
darwiishMid ka mid ah ciidankii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee u dagaallami jirey xornimada Soomaaliyeed.
darxadTarash; xiddo.
darxadayneeg darxadee.
darxadeeMaro darxad u yeelid.
darxumayneeg darxumee.
darxumaysadld darxumaysasho.
darxumaysanWax darxumo hayso ahaansho.
darxumaysashoeeg darxumayso. ld darxumaysad, darxumaysi.
darxumaysild darxumaysasho.
darxumaysnaaneeg darxumaysan. ld darxumaysnaansho.
darxumaysnaanshold darxumays- naan.
darxumaysoWax darxumo la kulmid.
<< < 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 > >>