Ereyga Maanta: turaal
gaafwareeg (1) 1. ld gaafmeerid. 2. Cidlada oo lagu ambado.
gaafwareeg (2) 1. ld gaafmeer 2. Ku g.: meel ku agwareegid. 2. Cidla wareegid.
gaafwareegid eeg gaafwareeg². ld gaafmeerid.
gaag Wax aan tira badnayn.
gaagax (1) ld gaaggax¹.
gaagax (2) ld gaaggax².
gaagaxsan ld gaaggaxsan.
gaagaxsanaan ld gaaggaxsanaan.
gaagaxsanaansho ld gaaggax-sanaan.
gaaggax (1) 1. Marka neef godlani wax gansado (qoonsado) oo caanuhu ku cararaan; godolnaqsi. 2. ld gaaggixid.
gaaggax (2) Godolkii ku baabi'id, wax la qoonsaday darteed. ld gaagax².
gaaggaxsan Xoolo gaaggaxay ahaansho. ld gaagaxsan.
gaaggaxsanaan eeg gaaggaxsan. ld gaagaxsanaan, gaagaxsanaansho, gaaggaxsanaansho.
gaaggaxsanaansho ld gaaggax- sanaan.
gaaggixi Neef godlan wax uu gansado oo caanuhu uga iman waayaan ku samayn.
gaaggixid eeg gaaggax². ld gaagax¹, gaaggax¹, gaagixid.
gaaggixin eeg gaaggixi. ld gaaggixis, gaagixin, gaagixis.
gaaggixis ld gaaggixin.
gaaggur Godka shinnida malabka ku kaydsato.
gaagixi ld gaaggixi.
gaagixid ld gaaggixid.
gaagixin ld gaaggixin.
gaagixis ld gaaggixin.
gaagurre Inan ku jira da'dii uu qaadan lahaa tababbar ciidan.
gaahi Meel aan naq lahayn, oomanana ah oo aan cidi joogin. ld gahayr¹ (4).
gaahiir (1) ld Gaahi; gahayr.
gaahiir (2) Gahayr noqosho (miro).
gaahiirid eeg gaahiir².
gaajabbeel (1) Reebidda gaajo ku haysay lagu reebo cunto yar. ld qaajabbeel¹.
gaajabbeel (2) Nafley baahneyd gaajo iska reebid. ld qaajabbeel².
<< < 575 576 577 578 579 580 581 582 583 584 585 > >>