Ereyga Maanta: mijarroorsanaansho
shanqartirasho eeg shaqartiro. ld sanqartirad, sanqartirasho, shanqar-tirad.
shanqartiro Si aan shanqar loo maqlin aayar u socosho. ld sharqartiro.
shanqid eeg shanaq.
shansho Xubinta u dhexeysa bowdada iyo majinta nafleyda qaarkeed.
shaqaabad 1. Rabsho; buuq. 2. Sh. ah: qof dhib badan.
shaqaale 1. Qof cid ama hay'ad u shaqeeya oo mushaar ka qaata. 2. Qof muruqmaal ah.
shaqaaqo Rabsho; buuq; shil.
shaqaawis Nooc ka mid ah libaax-badeedka.
shaqad Sh. leh: ri'midab bar madow iyo bar cad isugu jira leh.
shaqal (1) Sharrax lagu qurxiyo weelasha, albaabada, dariishadaha iwm.
shaqal (2) (nax.) Xaraf keligii lagu dhawaaqi karo oo intii la doono la jiidi karo; shaqalladu waxay ka dhashaan hawo soo marta marinka codka iyagoo aan waxba celinin. Tus. “a, e, i, o, u, aa, ee iwm”. Sh. culus: shaqallada soomaliyeed iyagoo ah 10 (5 gaagaaban iyo 5 dhaadheer) ayaa haddana midkiiba uu yeelan karaa laba cod: mid “culus” sida “dųul” (oo ah duullaan u bixid) iyo mid “fudud” sida “duul” (oo ah haadid).
shaqal (3) 1. Wax shaqal ku qurxin. 2. Xuruuf carabi ah xarako u yeelid. 3. Dhiil, haruub iwm maro ku dahaarid.
shaqala'aan Xaaladda uu ku sugan yahay qof shaqo uu wax ka tacbado aan haysan.
shaqali'i Waayitaanka la waayo wax laga shaqeeyo.
shaqaqorid Shaqo siinta qof shaqo la siiyo. ld shaqaqoris.
shaqaqoris ld shaqaqorid.
shaqayn eeg shaqee. ld shaqays.
shaqays ld shaqayn.
shaqaysad ld shaqaysasho.
shaqaysasho eeg shaqayso. ld shaqaysad, shaqaysi.
shaqaysi ld shaqaysasho.
shaqaysii 1. Ka sh.: qof in uu shaqo qabto ku kallifid. 2. Ka sh.: matoor iwm oo aan shaqaynayn hagaajin.
shaqaysiin eeg shaqaysii.
shaqayso Shaqo qabsasho.
shaqee Qof shaqo qabasho.
shaqfad Laab; qalbi.
shaqfal Kilkil. ld shoqfol.
shaqiiq Cudur madaxa qabta oo wixii qabaa ilkaha isku lisaan oo jirriqsadaan.
shaqiiqato 1. Xanuun madaxa dhinac ka qabta; goonjab. 2. Iin ku dhacda geela oo isu dhowaysa addimadiisa dambe oo kilkiluhu is xoqaan oo nabar yeeshaan.
shaqlan 1. Wax sharrax lagu qurxiyey ahaansho. 2. Wax shaqal loo yeelay ahaansho.
<< < 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 > >>