Ereyga Maanta: bulaysnaan
tuunsan (1) Alaab wax meel la isugu uruuriyey noqosho.
tuunsan (2) Wax meel ku uruuray noqosho.
tuunsanaan eeg tuunsan². ld tuunsanaansho.
tuunsanaansho ld tuunsanaan.
tuunsasho eeg tuunso. ld tuunsi.
tuunsi ld tuunsasho.
tuunso Wax meel ku uruursasho.
tuuqsad ld tuuqsasho.
tuuqsasho eeg tuuqso. ld tuuqsad, tuuqsi.
tuuqsi ld tuuqsasho.
tuuqso Si gaar ah bad u taabasho (ciyaar turub).
tuur 1. (f.g) Wax gacanta ku gamid. 2. (f.mg) Ka t.: sharaab dhaqso u cabbid.
tuur (1) 1. Timaha madaxa oo inta la daayo in yar kor u dheeraada. 2. Wax meel ta tuuray qaabkiisa. ld tuul¹.
tuur (2) 1. Kurus. 2. Dadka gasarku ku dhaco, qaabka dhabarkoodu yeesho.
tuur (3) Wax meel tubid. ld tuul².
tuuran Wax gacanta lagu gamay ahaansho.
tuuran (1) Wax meel la tuuray ahaansho. ld tuulan.
tuurasho eeg tuuro.
tuurbarbaar ld tuurfaahis.
tuurfaahis Nooc ka mid ah cawska rarada laga sameeyo. ld tuurbarbaar.
tuurid eeg tuur. ld tuuris, tuurniin.
tuurid (1) eeg tuur³. ld tuulid, tuurniin.
tuurimo In wada jirta oo badan; wax meel tuuran.
tuurin 1. Qori yar oo af fiiqan leh oo hasha irmaan sanka looga mudo si ilmo loogu sidko. 2. Qori yar ooo af fiiqan leh oo timaha lagu tuuro.
tuuris ld tuurid.
tuurmadow Libaax-badeed jaad ka mid ah.
tuurnaan eeg tuuran, tuuran¹. ld tuulnaan, tuulnaansho, tuurnaansho.
tuurnaansho ld tuurnaan.
tuurniin ld tuurid.
tuuro 1. (f.g) Wax meel isugu geysasho. 2. (f.mg) Wax meel isugu imaasho. 3. Timaha tuurid.
<< < 54 55 56 57 58 59 60 > >>