Ku dar erey cusub Qaamuuska!

Ereyga Maanta: fanaajiin
haniye-seddex-faraale (c.nafl.) Gufka u dhexeeya qolqolka sare ee midig iyo qolqolka hoose ee midig, wuxuu leeyahay saddex farood oo u sii daaya dhiigga ka yimaada qolqolka sare in uu ku shubmo qolqolka hoose, wuxuuna celiya in dhiigu kor u soo noqdo.
hanjab U h.: qof u cagajuglayn. ld hanjan.
hanjabaad Ereyo iyo cagajuglayn cid lagu cabsi gelinayo. ld hanjabid.
hanjabid eeg hanjab. ld hanjabaad, hanjabo, hanjamaad, hanjamid, hanja-mo.
hanjabo ld hanjabid.
hanjaleeli Hanjaleelo ama diliq ka keenid (carrurr).
hanjaleelin eeg hanjaleeli. ld hanjialeelis.
hanjaleelis ld hanjaleelin.
hanjaleelo Matag yar oo sida badan carruurta caananuugga ah ka yimaada; diliq.
hanjamaad ld hanjabid.
hanjamid ld hanjabid.
hanjamo ld hanjabid.
hanjan ld hanjab.
hanjeel Da'yaraan ku dhimasho (dad iyo xoolo).
hanjeeli Nafley da'yar ku dilid.
hanjeelid eeg hanjeel.
hanjeelin eeg hanjeeli. ld hanjeelis.
hanjeelis ld hanjeelin.
hanjiid (1) Qob ka saaridda in yar oo gocoso ah gacan qobka looga saaro.
hanjiid (2) Gocoso gacan qob uga saarid.
hanjiidan Gocoso gacan qob uga saarayo ahaansho.
hanjiidasho eeg hanjiido.
hanjiidid hanjiid².
hanjiidnaan eeg hanjiidan ld hanjiidnaansho.
hanjiidnaansho ld hanjiidnaan.
hanjiido Gocoso, qob gacan kaga saarasho.
hankaag (1) Daal iyo dhibaato badan lagala kulmo socod muraadkii lagu hungoobay.
hankaag (2) Wax lagu hungoobay daal iyo dhibaato badan kala kulmid.
hankaagid eeg hankaag².
hankaagsan Wax hankaag la kulmay ahaansho.
<< < 703 704 705 706 707 708 709 710 711 712 713 > >>