Ereyga Maanta: tuux
ibajitaysnaansho ld ibajitaysnaan.
ibajito Ibadaboole.
ibajitoobid eeg ibajitow
ibajitow Neef geel ah oo ibajito naaska ka gashay noqosho.
ibalaroor Geed-nagaar xajiinka u eg oo xooluhu aad u daaqaan, kuna dararaan markiiba. ld iballaroor.
iballaroor ld ibalaroor.
ibamar (1) Maridda hal irmaan afarta naas laga maro. ld ibamaryo.
ibamar (2) Hal irmaan afarta naas ka marid. ld ibamaryee.
ibamarad ld ibamarasho.
ibamaran Wax la ibamaray ahaansho (hal irmaan). ld ibamaryeysan.
ibamarasho eeg ibamaro. ld ibamarad, ibamaryeysad, ibamaryey-sasho, ibamaryeys
ibamarid eeg ibamar². ld ibamar-yeyn.
ibamarnaan eeg ibamaran. ld ibamarnaansho, ibamayeysnaan, iba-maryeysnaansho.
ibamarnaansho ld ibamarnaan.
ibamaro Hal irmaan afarta naas ka marasho. ld ibamaryeyso.
ibamaryee ld ibamar².
ibamaryeyn ld ibamarid.
ibamaryeysad ld ibamarasho.
ibamaryeysan ld ibamaran.
ibamaryeysasho ld ibamarasho.
ibamaryeysi ld ibamarasho.
ibamaryeysnaan ld ibamarnaan.
ibamaryeysnaansho ld ibamarnaan.
ibamaryeyso ld ibamaro.
ibamaryo ld ibamar¹.
ibarmid ld ibamarid.
ibayar Hal naasa yaryar.
ibayaro Yaraanta naasaha iyo ciriiriga caanamareenka ee ay hal yeelato
ibdar 1. Caano yar oo dhowrto ahaan la isugu daro. 2. Xoolaha markay dararaan oo uu naaskoodu gaaro xoorka caanaha. 3. Dhaawac gaara caanamareenka naaska oo ay candhadu caanaha ceshan weydo.
ibi (c.nafl.) Mandheerta haweenka. ld ebi¹.
<< < 767 768 769 770 771 772 773 774 775 776 777 > >>

