Ereyga Maanta: boolicun
coolli  Daruur cufan oo ay biyo ka buuxaan.
coomaadde  ld coomaadi.
coomaadi  Nooc haadka hilibka cuna ka mid ah, xoog badan leh, gorgorkana ka yar. ld coomaadde.
coomoobid  eeg coomow.
coomow  Gabar, wax da'weyn oo la guursan waayey noqosho.
coon1  1. Nin gaaban oo aan da'diisu ka muuqan. 2. Dab, webi, bad iwm agtooda. Tus. “Dabka c.kiisa”: dabka agtiisa. coon2  1. Haweeney gaaban oo aan da'deeda ka muuqan. 2. Gabar da'weyn oo aan la guursan; guumeys. cooraaf  Qof aad u dabeecad xun.
cooraafnimo  Cooraaf ahaansho.
coorcoor1  Jactad ku dhaca jirka nafleyda oo uu keeno qabow ama jirro. coorcoor2  Jir nafley, jactad ku dhicid qabow ama jirro darteed. coorcoorid  eeg coorcoor².
coorcoorsan  Wax coorcoor yeeshay ahaansho (jir nafley).
coorcoorsanaan  eeg coorcoorsan. ld coorcoorsanaansho.
coorcoorsanaansho  ld coorcoor- sanaan.
coosh  1. ld cooshad. 2. Cafish.
cooshad  Guri ka sameysan qoryo iyo caws oo si ku meel gaar ah loogu noolaado ama wax loogu gato.
corad  ld curad.
cordaalo  ld curdaalo.
cosob  Doog badan oo markaas soo baxay. 2. Meel an naqeeda weli la daaqin.
cub1  1. ld cuf. (-bab, m.l) Shay yar oo meel daloosha lagu gufeeyo; cuf. 2. “C. iyo cir”: ereyo kolka la cubtamayo la yiraahdo. ld cug¹. cub2  Dalool yar gufeyn. ld cug². cuban1  1. Dalool wax la cubay ahaansho. 2. Wax neeftu ku xirantay noqosho (san). ld cugan¹. cuban2  1. Wax la cubay ahaansho. 2. Qof ciyaar loo xulay ahaansho. ld cugan². cubasho  eeg cubo. ld cugasho.
cubbaan  C. ah: qof hanti badan leh.
cubbaannimo  Cubbaan ahaansho.
cubcub1  1. Maqaar dhal xoolaad, dhisan caws ka buuxo, leh qaabkii ilmaha dhintay oo neefkii dhalay lagu godliyo; joojooge. 2. Wax muuq dad leh oo beeraha la dhex dhigo si ay shimbiraha, dugaagga iwm uga cararaan. 3. Derin cusub oo aan weli la kala jeexin. 4. ld cubcubid. ld cucub¹. cubcub2  Maqaar xoolaad, dhisan caws ka buuxin. ld cucub². cubcuban  Maqaar dhal xoolaad, wax la cucubay ahaansho. ld cucuban.
page : 83 of 95
<< < 78 79 80 81 82 83 84 85 86 87 88 > >>