Ereyga Maanta: goldooxid
miilaaddiyad ld miilaadi.
miilaadi Taariikh lagu tiriyo hab qorraxeedka ee ka soo bilaabatay dhalashadii Nebi Ciise. ld miilaaddiyad.
miilasho ld miileysasho.
miile Toogeysiga wax lagu kaltamo. ld miilo¹.
miilee Miilo ku qaybin.
miileyn eeg miilee.
miileysad ld miilaysasho.
miileysasho eeg miileyso. ld miilasho, miileysad, miileysi.
miileysi ld miileysasho.
miileyso Qayb ka qaadasho (miile). ld miilo².
miilo (1) ld miile.
miilo (2) ld miileyso.
miin (1) Summad ishkinka lagu dhigo oo ah goobaabin jiitindhinac looga qabtay (§).
miin (2) Duuduubka haragga dadku yeesho, da'awgeed.
miinayn eeg miinee.
miinaysan Wax la miineeyey ahaansho.
miinaysasho eeg miinayso.
miinaysnaan eeg miinaysan. ld miinaysnaansho.
miinaysnaansho ld miinaysnaan.
miinayso Miin yeelasho (wax).
miinee 1. Wax miino ku xirid, miino gelin. 2. Cid kontorobaan u dhiibid.
miino 1. Qalab gudihiisa wax qarxa ka buuxaan oo loogu talo galay in lagu burburiyo, dhismo, dhagax, iwm. 2. Kontorobaan.
miinshaar (1) Nooc mallaayga ka mid ah oo af miinshaar ah leh. ld miishaar¹.
miinshaar (2) Qalab bir ka samaysan oo lagu gooyo qoryaha, birta, dhagaxa iwm. ld miishaar².
miinshaaree Miishaar wax ku goyn. ld miishaaree.
miinshaareyn eeg miinshaaree. ld miishaareyn.
miiq (1) 1. Liilan dun ah. 2. ld miiqid.
miiq (2) 1. (c.nafl.) Dhisme kala jaadjaad ah oo duno oo kale ah oo laga helo jidhka xayawaanka, sida miiqyada muruqyada, miiqyada dareenwadka, ama miiqyo kollayiin. 2. (baay.) Unug dhireed dheeraaday oo gidaaradiisa ay adkaysay xabag ku dahaadhani.
miiq (3) 1. Suuf dun ka samayn. 2. Dun iwm caarad dhuuban u yeelid.
miiq-ruxasho (daaw.) Garaac dhakhso leh oo isdhaafsan oo unugmuruqeed walba ee wadnaha uu gooni u sameeyo taasoo keenta in muruq si wadajir ah oo waxtar leh u ururo; qaybta wadnaha ka mid ah oo dhibta qabtana dhiig ma saarto.
<< < 82 83 84 85 86 87 88 89 90 91 92 > >>