Ku dar erey cusub Qaamuuska!

Ereyga Maanta: waddoohiye
kaarboon (kiim.) Curiyaha koowaad ururka IV ee tusaha kalgalka curiyeyaasha. Kaarboonku xubin caan ah ayuu kaga jiraa maatarka nool. Sidaa awgled, iskudhisyo kaarboon ah; sida kaarbooneytyada (jeeso iyo irdib) iyo shidaalada foosil (dhuxul-dhagax, saliid iyo neef) iyo shidaallada ayaa laga dheegaa walxaha ku aroora noole.
kaarboon hal-ogsaydh (kiim.) Neef sun ah, olosha, midablaawe ah oo samaysanta marka kaarboonka lagu gubo meel ogsijiintu ku yar tahay (gubasho dhiman). Warshad ahaan, waxa lagu diyaariyaa ogsidhaynta kaarboon ama neefta dabiiciga ah, ama falgalka lagu magacaabo biyo-neefeed. Waa neef ah yareeye laxaad badan laguna isticmaalo cilmi-bireedka.
kaarboon laba-ogsaydh (kiim.) Neef aan ololin, midablaawe ah; urna aan lahayn oo samaysanta marka kaarboonka lagu gubo meel ogsijiintu ku badantahay. Neef-qaadashaduna way soo saartaa neeftaasi. Kaarboon laba-ogsaydhka ku jira atmosfeerku waa 0.03% mug ahaan, dhirtuna waxay u rogtaa kaarboo-haydareytyo marka footoosintasisku dhacayo.
kaarbuuno Aalad batari ku shaqaysa oo gacanta lagu qabsado waxna lagu iftiimiyo; toosh. ld karbuuno.
kaarid eeg kaar². ld kaar¹ (3).
kaarotiin (baay.) Xubin ka mid ah dirta midabsidayaasha kaarotinoydh. Tusaale ahaan waxa ka mid ah beta-kaarotiin oo midab u yeesha xididka daba casaha iyo laykobiin oo bislaysa tamaandhada. Alfa iyo beta kaarotiin waxa laga helaa faytamiin A, marka xayawaanku dheef-shiido.
kaarran Qof cartamay ahaansho.
kaarranaan eeg kaarran. ld kaar-ranaansho.
kaarranaansho ld kaaranaan.
kaartabollaato Warqad daliigyo leh oo araajida lagu qorto.
kaarto (juqr.) Khariidad nooc ay doontaba ha ahaatee; amase khariidad loogu talaggalay inay caawiso badmareennada.
kaartoogaraafiyada (juqr.) Farshaxan-ka ama sayniska samaynta khariidadaha iyo kaartooyinka.
kaas (1) (kuwaas, w) Magacuyaal tilmaame oo lab, oo wax ama cid hadlaha ka fog lagu tilmaansado. Tus. “Kaas ayaa fiican”. ld kaa¹ (-kaas)
kaas (2) Dibkabe tilmaame oo magac lab dib looga qodbo, oo wax ama cid hadlaha ka fog lagu tilmaansado. Tus. “Dukaankaas Cali baa leh”. ld kaa4.
kaashad eeg kaasho. ld kaashi.
kaashi ld kaashasho.
kaasho Hawl wax u adeegsasho.
kaatun ld kaatuun.
kaatuun Shay ka samaysan badanaa macdan qaali ah oo qurux darteed faraha gacmaha loo gashado; marwad, faraati, fargashi. ld kaatun.
kaawi (1) 1. ld kaawiyad. 2. Qoray lagu calaamadeeyo meelaha shabaagta la dhigo.
kaawi (2) Shay adag mid ka jilicsan ku garaacid.
kaawin eeg kaawi².
kaawiyad 1. Aalad dhuxul ama koronto kululeyso oo dharka la marmariyo, si jactadka looga bi'iyo. 2. ld kaawi¹.
kaawiyadayn eeg kaawiyadee.
kaawiyadee Wax kaawiyad jactad kaga bi'in.
kaawiyadeysan Wax la kaawiyadeeyay ahaansho.
kaawiyadeysnaan eeg kaawi-yadeysan. ld kaawiyadeysnaansho.
kaawiyadeysnaansho ld kaawi-yadeysnaan.
kaawo Meesha laga qodo dhagaxa, guruuraxa, ciidda iwm oo wax lagu dhiso.
kaay (1) Meel wax lagu qariyo.
<< < 865 866 867 868 869 870 871 872 873 874 875 > >>