Ereyga Maanta: liifmid
mililiglee ld miririglee.
mililikh Dhar jilicsan sida malkhabadda oo faraha ka siibanaya.
mililikhsan Wax mililikh ah ahaansho (dhar).
mililikhsanaan eeg mililikhsan. ld mililikhsanaansho.
mililikhsanaansho ld mililikhsanaan.
miliq (1) Balagga digirtu marka uu curdunka yahay.
miliq (2) Xarig si aan habaysnayn isku dhex gelid.
miliqsan Wax si aan habaysnayn isugu dhex jira ahaansho (xarig).
miliqsanaan eeg miliqsan. ld miliqsanaansho.
miliqsanaansho ld miliqsanaan.
militeri Ciidan ku hubaysan qalab dagaal oo dal u qaabilsan daafaca.
milix Cusbo.
milixayn ld milxayn.
milixaysan ld milxaysan.
milixaysnaan ld milxaysnaan.
milixaysnaansho ld milxaysnaan.
milixee ld milxee.
milixi ld milxee.
milixin ld milxayn.
milixsanaan (juqr.) Darajada cusbaysanaanta ama milixsanaanta ee badweynada, badaha, balliyada, iyo webiyada, badanaa waxaa loo tibaaxaa tirada qaybaha kunkiiba, ama miisaanka cusbada ku milan kunkii qayboodba oo biyo ah. Celceliska milixsanaanta biyaha baddu, tusaale ahaan, waa 35 kunkiiba, laakiin milixsanaantu waxay ku kala duwantahay laga billaabo 40 ka kor kunkiiba biyaha Badda Dhexe ilaa iyo 30 kunkiiba badaha cirifyada. Baraha agtiisa waxaa jira gobol milixsanaantiisu ay hoosayso, roobka culus ee ka da'a awgiis.
milki (1) ld mulki¹.
milki (2) ld mulki².
milkiyid ld mulkiyid.
millad Diin.
milligraam Hal garaam oo kun meelood loo qaybshay meel ka mid ah.
millilitir Hal liitir oo kun meelood loo qaybshay meel ka mid ah.
millimitir Hal mitir oo kun meelood loo qaybshay meel ka mid ah.
milliqsad ld milliqsasho.
milliqsasho eeg milliqso. ld milliqsad, milliqsi.
milliqsi ld milliqsasho.
<< < 88 89 90 91 92 93 94 95 96 97 98 > >>