Ereyga Maanta: findoob
maalooti 1. ld magallooti (3) Si daran wax u laaya (bahal ama geesi); aan biqin; dhiigyacab. 2. M. ah: qof waxmatara ah.
maalqabeen Qof hanti badan leh.
maalqabeennimo Qof maalqabeen ah ahaansho.
maalsii Cid neef irmmaan ku taakulayn in muddo ah si uu u maalo.
maalsiin eeg maalsii.
maami 1. Oddorosid. 2. Wax qiyaasid.
maamin eeg maami. ld maamis.
maamis ld maamin.
maammul (1) 1. Habka hawl loo fuliyo. 2. ld maammulid.
maammul (2) Hawl hab wanaagsan u fulin. ld maamul².
maammulan Wax si wanaagsan loo maammulay ahaansho (hawl). ld maamulan.
maammulasho eeg maammulo. ld maamulasho.
maammule 1. Qof hawl agaasinkeeda madax ka ah. 2. Qof dugsi madax ka ah. ld maamule.
maammulid eeg maammul². ld maammul¹ (2), maamul¹, maamulid.
maammulnaan eeg maamulan. ld maammulnaansho, maamulnaan maamulnaansho.
maammulnaansho ld maammulnaan.
maammulo Hawl si wanaagsan u agaasimasho. ld maamulo.
maammulxumo Hab aan wanaagsanayn oo hawl loo fuliyo. ld maamulaxumo.
maamul (1) ld maammulid.
maamul (2) ld maammul².
maamulan ld maammulan.
maamulasho ld maammulasho.
maamule ld maammule.
maamulid ld maammulid.
maamulnaan ld maammulnaan.
maamulnaansho ld maammulnaan.
maamulo ld maammulo.
maamulxumo ld maammulxumo.
maamuus (1) Xushmad; xurmo; wanaag. ld naamuus¹.
maamuus (2) Cid si xushmad iyo wanaag leh u soo dhaweyn. ld naamuus².
<< < 982 983 984 985 986 987 988 989 990 991 992 > >>