Ereyga Maanta: cashrin
muhiimmad ld muhimmad.
muhiimmo ld muhimmad.
muhiimnimo ld muhimnimo.
muhim M. ah: wax qiimo dheeraad ah cid u leh. ld muhiim.
muhimmad Qiimaha, qaayaha ay wax leeyihiin. ld muhiimmad, muhiimmo, muhimmo.
muhimmo ld muhimmad.
muhimnimo Muhim ahaansho. ld muhiimnimo.
muhin ld mihin.
muhis ld mihin.
muho 1. Wax ku hungoobid. 2. U m.: cid ama wax kalgacayl ama rabid u qabid; uurka wax ka doonid; wax laabraacid. 3. U m.: khatar uga baqid (cid). ld maho, moho.
mujaahid (1) Qof wax xaq ah u dagaalamaya.
mujaahid (2) Ku m./u m.: wax xaq ah u dagaallamid (qof).
mujaahidid eeg muujaahid².
mujarrab Qof tijaabooyin badan waayo-aragnimo ku kasbaday.
mujrim Qof meheraddiisu tahay dhac iyo dil.
mujtahid 1. Qof dadaal badan. 2. (dii.) Qof diinta Islaamka aad u yaqaan oo baaritaan badan ku sameeyey xaqiiqadana gaaray.
mujtamac Dad meel ku wada nool; bulsho.
mujuruc Masaasadda afkeeda hore ee carruurtu nuugto.
mukaaw Mudutuul.
mukallaf Qof wax uu falo mas'uuliyaddeeda qaadi kara; qaangaar.
mukay (mukay, m.dh) (bot.) Geed weyn oo jirrid aad u weyn leh, kana baxa hareeraha durdurrada iyo webiyada, miro macaan oo la cunana leh; daray.
mukhaaddaraad Waxyaabaha maanka dooriya. ld muqaaddaraad.
mukhaalafo 1. Khilaaf. 2. Naag ninkeeda diiddey oo aqalkeedi ka maqan.
mukhaawi 1. Qof dadka been u sheega oo maskaxda ka xada. 2. Qof aan hadalkiisu wax ka soo qaad lahayn.
mukhlis 1. Qof daacad ah. 2. (dii.) Qof cibaadada Eebbe ku wanaagsan.
mukhlisnimo Mukhlis ahaansho.
mukhuur (1) ld maquurid.
mukhuur (2) ld maquur².
mukhuurid ld maquurid.
mukhuurin ld maquurin.
<< < 1090 1091 1092 1093 1094 1095 1096 1097 1098 1099 1100 > >>