muqlow (1) Qaadidda uu neef xoolo ah qaado cudurka muqlaha. ld muqloobid.
muqlow (2) Neef xoolo ah muqlo qaadid.
muqmad Hilib aad u yaryar oo shiilan oo cunno ahaan dad u keydsadaan; oodkac.
muqmadayn eeg muqmadee.
muqmadaysan Hilib wax muqmad laga dhigay ahaansho.
muqmadaysnaan eeg muqmadaysan. ld muqmadaysnaansho.
muqmadaysnaansho ld muqmadaysnaan.
muqmadee Hilib muqmad ka dhigid.
muqshabeel 1. Harimcad. 2. Qof ay iska dhaleen dheddig iyo lab kala midab ah.
muqsul ld musqul.
muquuf (1) Birta xakamuhu hayo ee faraska afka loo geliyo. ld muquus¹.
muquuf (2) 1. Muquurid. 2. Qof meel si macno la'aan ah u dhex marmarid.
muquufid eeg muquuf².
muquuni 1. Xoolo maquuno ah bixin. 2. Xoog wax ku meel marsiin. ld maquuni.
muquunin eeg muquuni. ld maquunin.
muquuno 1. Xoolo aan qiimo lahayn oo cid deeq ahaan loo siiyo. 2. Khasab, sandullays. ld maquuno.
muquunsad ld muquunsasho.
muquunsasho eeg muquunso. ld maquunsad, maquunsasho, muquunsad.
muquunso Xoog wax ku meel marsasho. ld maquunso.
muquur (1) ld maquurid.
muquur (2) ld maquur².
muquuri ld maquuri.
muquurid ld maquurid.
muquurin ld maquurin.
muquursan ld maquursan.
muquursanaan ld maquursanaan.
muquursanaansho ld maquursanaan.
muquus (1) 1. ld muquusid. Quusidda biyo hoos loo quuso. 2. Muquuf¹.
muquus (2) Biyo hoos u quusid. ld maquus².
muquusid eeg muquus². ld maquus¹, maquusid, muquus¹ (1).
<< < 112 113 114 115 116 117 118 119 120 121 122 > >>