Ereyga Maanta: qawadid
saxar-qaad (c.cimi.) Duufaan bus fara badan ka buuxisa gibilka taas oo aragga si la taaban karo u yaraysa, mararka qaarkoodna waxaaba uu gaaraa araaggu ilaa iyo eber.
saxar-saleed (c.fal) Magac guud oo ay wadaagaan dhammaan saxar-rada uu maatarku ka kooban yahay ee aan loo sii kala jabin saxarro ka sii yar.
saxariir (1) Dhibaato aad u badan; silic; rafaad.
saxariir (2) Dhibaato weyn la kulmid.
saxariiri Cid dhibaato weyn gaarsiin..
saxariirid eeg saxariir².
saxariirin eeg saxariiri.
saxariirsan Nafley wax dhibaato hayso ahaansho.
saxariirsanaan eeg saxariirsan. ld saxariirsanaansho.
saxariirsanaansho ld saxariirsa-naan.
saxarka Alfa (kiim.) Bu'da heliyam oo ay bixisay bu'weyn oo uu ku dhaca mataatax kaahfaleed. S. a. ma laha tamar socod badan, waxaana markiiba nuugta hawada.
saxaro Cuntada dadku cuno inteeda oogadu nacdo oo ka soo baxda futada; xaar.
saxaroo Saxaro dhigid.
saxarood eeg saxaroo.
saxartir Wax aad u nadiifin.
saxartirid eeg saxartir.
saxasho eeg saxo. ld saxad, sixad, sixasho.
saxid eeg sax². ld saxniin, sixid.
saxiimad Badan weyn oo si gaar ah loo sameeyey, matoor lehoo maraakiibta wax loogu geeyo loogana soo qaado. ld sixiimad.
saxiix (1) Qoraal la sharciyeynayo oo magac dhan ama la gaabiyey hoosta looga dhigo.
saxiix (2) Qoraal la sharciyeynayo, magac dhan ama la soo gaabiyey hoosta uga qorid.
saxiixan Wax la saxiixay ahaansho.
saxiixasho eeg saxiixo.
saxiixid eeg saxiix².
saxiixnaan eeg saxiixan. ld saxiix-naansho.
saxiixnaansho ld saxiixnaan.
saxiixo Qoraal la sharciyeynayo, hoosta magac la gaabiyey ama kaamil ah uga qorasho.
saxnaan eeg saxan². ld saxnaansho.
saxnaansho ld saxnaan.
saxniin ld saxid.
<< < 1319 1320 1321 1322 1323 1324 1325 1326 1327 1328 1329 > >>