Ereyga Maanta: maddooyamaddooyo
waaq Magac ay Soomaalidu waagii hore ay u tigiin Ilaah. ld waq.
waaqdhaacin Xoolo farabadan oo alla-bari ahaan loo qalo.
waaqla' W. ah: meel aan cidi degganyn; cidla ciirsila'.
waaqlayn eeg waaqlee.
waaqlee Qof, tuke iwm qaylo dheer aad ugu qaylin.
waaqsasho eeg waaqso.
waaqso Ka w.: dhib ama waxyeello hore ka so kabasho.
waar (1) Cabbir dhererka lagu cabbiro oo la mid ah seddax cagood ama soddon iyo lix hiish ama 0.914, mitir.
waar (2) ld waryaa.
waar (3) 1. Cimri aan dhimasho lahayn ku noolaan. 2. Wax muddo dheer jirid.
waaran 1. Warqadda lagu oggolaado lacag la doonayo in la bixiyo. 2. Warqad maxkamaddu ku oggolaato qof in la xiro ama in wax la baaro.
waaray Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo meelaha uu ka soo bilowdo webiga Shabeelle iyo agagaarka magaalada Iimey. Qubleey, maanyo, manyiikay, libin.
waardiye Qof xafiis, guri iwm ilaaliya; ilaaliye.
waari (1) Sheekada haabeenkii lagu soo jeedo, dhafar; dabjeex.
waari (2) 1. Waar ku cabbirid. 2. Wax waaro ka dhigid.
waarid (1) ld waalid¹.
waarid (2) waar². ld waaris.
waarid (3) Soo w.: badeeco dibadda ka keenid.
waaridid eeg waarid³.
waaridnimo ld waalidnimo.
waarig ld waariko.
waariko Jaad likaha ka mid ah oo badanaa dundumooyiinka agtooda ka soo fuuro; barkiwaraabe. ld waarig.
waarikow Shaah aan sonkor lahayn.
waarin eeg waari².
waaris ld waarid².
waarri Socod aayar ah oo lugaha la kala fogeeyo cudur dartii socosho.
waarrin eeg waarri.
waasac W. ah: aan ciriiri ahayn, wax badan qaada, ballaaran.
waashman Gogle; ilaaliiye.
waasici Wax ballaaran oo aan ciriiri ahayn ka dhigid.
<< < 1474 1475 1476 1477 1478 1479 1480 1481 1482 1483 1484 > >>